|
CHANG PO-YU
DHAQTAR WAAYAY GACANTIISA HADANA DIB U HELAY
Muuqaal Online
Digniin Sawirada waxay ka
kooban yihiin kuwa halis ah
19-July 2008

Chang Po-Yu oo ah 29-jir
dhaqtar ah una dhashay dalka
Taiwan ayaa gacantiisa ku waayey daweyn uu
daweynayey Yaxaas laga keenay dalalka
Afrika, kaaso oo lagu xanaaneynayey xero lagu
magacaabo Shaoshan Zoo oo ku taala Taiwan.
Chang Po-Yu ayaa xiligii gacantiisa uu weynayey
daawo siinayay yaxaaska isagoo fartiisa u geliyay
afka si uu u kala qaado, dabadeedna yaxaaska ayaa
dhamaan gacantii Dhaqtarka afka gashtay, gooyeyna
intii wax tarka lahayd ee gacantiisa, balse dadkii
kale ee ku sugnaa xerada lagu xanaaneynayey ayaa
dadaal dheer oo ay u galay sidii Yaxaaska looga
dhigo lahaa gacanta, iyadoo laga cabsi qabay in uu
caloosha geeyo, balse dagaal iyo toogasho kadib ayaa
lagu guuleystay in laga dhigo gacanta Chang Po-Yu.

Gacan Dr Chang Po-Yu oo ku jirto af Yaxaas
Yaxaaskan oo ah 17 jir laga keenay
Qaarada Afrika ayaa ka dhigista gacanta Dhaqtarka
laga maray dhibaato fara badan iyadoo daawadii uu
siiyay Dhaqtarka ay aheyd mid ka badan tii uu horay
u qaadan jiray, waxaana markii danbe laga dhigay
gacanta xili la toogtay si looga helo
gacanta oo nool ama xididadeeda ay shaqeynayaan.
Chang Po-Yu ayaa gacantiisa dib u helay kadib markii
dhaqaatiir aqoon sare leh loo geeyay kuwaasi oo ku
dhejiyay halkii ay ka go'day.
Dhaqaatiirta kale ee ka howlgasha xerada Shaoshan
Zoo ayaa cabsi iyo wel wel mar walba ka qaba
daweynta Yaxaaskaasi dad cunka ah, iyadoo
yaxaaskaasi laga keenay xero ku taala dalka qaaradda
Afrika balse ay adag tahay in la Rabaayadeeyo.
Arintan ayaa noqotay mucjiso ay dad badan hadii loo
sheeko ay naxayaan
marna qoslayaan.

Dr Chang Po-Yu oo Hospital seexo gacantiisana dib
loogu dhejiyay

Yaxaaski oo gacanta afka ay ugu jirto iyo Dr
Chang Po-Yu oo gacanta u bogsatay

Yaxaaska oo ay ka muuqdaan cirbadaha sunta ah ee lagu toogtay iyo
gacantii Chang
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
images AP
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team |