|
|
GABAR SOOMAALIYEED OO LAGU DHEX
FURAY QOL PALTALK
Haween badan oo ka cararay Paltalk arintaas darteed
Muuqaal Online
23- July 2008
Cabfitaax Xarbi oo ah 28 jir Soomaali ah kuna
nool dalka South Africa ayaa lasoo xiriiray
Shabakadaaan Muuqaal Online isagoo inoo sheegay inuu
xaaskiisa Muna Yareey ku dhex dalaaqay qol ka mid ah
qolalka Soomaalida ee Paltalk kadib markii uukula
kulmay halkaas iyadoo waxyaabo aan qaanuunka
waafaqsaneen ka dhex sameyneyso halkaas.
Arintaan ka danbeysay ka dib markii mid ka mid ah
saaxiibadiis uu usoo jiiday (invite) inuu soo galo
qolkaan isla markii uu soo galay ay dhagahiisa ku
dhaceen codka xaaskiisa Muna wuxuuna intaasi
raaciyay inuuu aad u kululaaday isla markiina
go'aansaday inuu hubiyo qofkaan hadlaayo isagoo
daaray kaamerada (Cam) waxay indhahiisa qabteen Muna
oo ruxeysa xabadka oo ay ugu jiraan dharkii hurdada
ay u daaran tahay music gaaban.
Cabdifitaax ayaa isla markiiba lumiyay kalsoonidii
xaaskiisa isagoo isla markiiba ciil daraadiis is
arkay isagoo ku dhegan Microphone-ka (Mic)
hadalkiisa ku bilaabay isma sheegano waxaana ku qaba
hadda ka dib Paltalk, isla markiina wuxuu ku
dalaaqay amaba ku furay isla qolkii ay ku
mushaaxaysay, Habada cabdifitaax ayaa inoo sheegay
inay xaaskiisa ku nooleyd wadan ka mid ah wadama
Yurub wuxuuna qariyay magaca ay kusoo gasho Paltalk,
Muna waxay ku weysay ninkeeda Paltalk burbur qoys
ayaana ka dhacay waxaana arintan ay tahay mid laga
naxo iyadoo dad badan oo isqaba ay ka kala
qaraabtaan paltalk-ga ayagoo adeegsada magacyo kale
oo ah kuwa aan lagu aqaanin waxaana suurto gal inay
laba qof oo is qaba ay ka sheekeystaan paltalk
iyagoo isku beenguuraaya .
Dhacdadan kadib ayaa waxaa kasii yaraaday haween
xaasas ahaa oo soo gali jiray Paltalk iyadoo mar la
weydiyay sababta ay ugu carareen u sheegeen
shabakaddan inay ka baqeen in lagu dhex furo
meeshaas maadaama ragga qaba ay dhinac kasoo galaan
wada sheekeysiga paltalk ayna sahlantahay in ay
foodda isku daraan meesha waxaana jirta inay dadka
isticmaala paltalk ay yahiin dad intabadan isgarana
maadaama ay kala joogaan qaarado kala duwan oo
aduunka ah.
Horey ayaa dhalinyaro badan oo ku nool magaalada
Qaahira ee dalka Masar ku waayeen xaasaskoodii
Paltalk kadib marki ay arkeen ayagoo niman kale u
shiday kaamira isla markaasna isku qaawinaayo taasoo
keentay inay iska furaan ayagiina ka dhaartaan
isticmaalka aaladda paltalk oo halis ku ah qoysaska
dhalinyarada ah waxaa sidoo kale jirta dalalka Yurub
in haweenka isticmaala paltalk ay yihiin kuwa ugu
wasaqda badan iyagoo haweenkaas gaba dhamaan
nadaafada hoygooda iyo daryeelka caruurta ay dhaleen
waxaan mar mar la arkaa caruurta oo ku hurdisiinaayo
xafaayaddii loo geliyay subaxdii ama caruurtii oo
dhex jiifta meel aan munaasab aheyn sida kushiinka
caga saarta iyadoo ay u dheryahiin nadaafad xumada
jirkooda ah sida ayagoo si kale usoo ura ama
gurigooda oo wasaq darteed albaabka markaad ka gasho
soo neefsada, halkii ay iska nadiifin lahaayeen
waqtigooda waxey ku lumiyaan ka sheekeynta waxyaabo
aan macno laheyn sida qabiilka, siyaasadda,
waxyaabaha jinsiga iyo isku tagga labada qofood, ama
inay been u sheegeen Dhalinyaro joogto Africa. ma
ahan kaliya dumarka ee waxa jirta in Paltalk-ga uu
saameyn ku yeeshay ragga iyadoo aysan shaqeysan
halka ay ka qabsan lahaayeen shaqo iyagoo waqtigooda
siiya paltak waxaana jirta in marmar ay shaatigooda
dhaqan wayaan iyadoo wasaqda jirkoosa laga
dareemaaayo meesha ay soo fariisto laga kala cararo
mar mar qaar meelaha cafe lagu cabo.
Hadaba sida la ogyahay waxaa u badan Paltalk
Soomaalida degen UK, Norway, Sweden, Nederland,
North America, iyo Egypt.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|