|
DE FEN YAO NAAGTA ADDUUNKA UGU
DHEER
Daawo Sawirada
Muuqaal
Online
07-Juun 2008
De Fen Yao waxay ku dhalatay Magaalada Liuan ee
dalka China taariikhda markay aheyd 15-ka Luuliyo
1972 De Fen ayaa adduunka looga aqoonsaday inay
tahay haweenka adduunka tan ugu dhiri badan iyadoo
ay dhirir keeda xaqiijiyeen Guiness Book of World
Records ka dib markii ay mitirinaayay seddex maalin
iyadoo ay mitir ku xaqiijinaayeen subax galab iyo
habeenba gabagabadiina waxaa la xaqiijiyay inay
tahay Haweenka adduunka tan ugu dhirir badan leh
waxaana ay noqotay 2.36 (Mitir) halka culeeskeeduna
yahay 200Kg.
De
Fen Yoa ayaa ka hor inta aanan loo aqoonsan darajada
dhirirkaan ayaa waxay aheyd mid aad looga yaqiinay
adduunka dacaladiisa iyadoo warbaahinta aad ugu laab
laabteen si ay ugu bandhigaan adduunka inay tahay
tan ugu dheer adduunka De Fen ayaa ah haweeney
xanuunsan iyadoo sheegtay inaysan ku faraxsaneen
aqoonsanaanta loo aqoonsaday Dhirirka adduunka, Maku
faraxsani dhirirka la ii aqoonsaday maxaa yeelay
qofkii darajo loo magaacabo waxaa fiican inay tahay
mid caafimaad qabto ayay tiri De Fen oo intaasi
raacisay inaysan ka hor muuqan karin Barnaamij Tv
Maadaama ay tahay haweenka tan ugu dheer.
Dhaqaatiirta caafimaad oo la socdo xaaladda De Fen
ayaa sheegay inay wali sii koreyso oo marba marka ka
danbeeyo uu dhirirkeedu iyo culeeskeeda sii
badanaayo iyadoo laga baqaayo in ay isku soo jabto
sababtoo ah culeeska iyo dhirirka oo aan isku dheeli
tirneen daraadeed De fen ayaa fadhiisan karin muddo
ka badan saacad iyadoo uu socodkuna uu dhibaayo
waxaana saacida hooyadeed.
De Fen ka hor inta aan adduunka looga aqoonsan
dhirirkaan ayaa waxaa haweenka ugu dheeraa Sandy
Allen oo ah haweeney u dhalatay gobolka Indiana ee
America,
Wadanka China ayaa ah wadan aad u mucjiso badan
isagoo aad ka helayso leh mar xalado kala gedisan.

 

Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|