HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US
 

 

 

 

WIIL SOOMAALIYEED OO QABA XAAS ITOOBIYAN AH OO LOOGU HANJABAY IN LA DILI DOONO.

 


Muuqaal Online
16-July 2008.


Dhacdadan ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Towfiiq waxaana jirtay Wiilkaan Soomaaliyeed ay taleefoono hanjabaad ah iskaga soo daba dhacayeen kuwaasoo ugu hanjabayay inay dil u geysan doonaan hadii uusan iska furin ama ka dhaqaaqin xaaskiisa oo ah Gabar Itoobiyaan ah taaso oo uu guursaday muddo laga joogo 3 sano mar uu ku sugnaa Caasimadda Ethiopia ee Addis Abeba, waxeyna kooxahaan ku eedeeyeen inuu u basaas u yahay Ciidama Itoobiya maadaama uu qabo naag itoobiyaan ah haweeneysuna ay aad ugu hadasho afka Tikreega oo ay kasoo jeeddo waxeyna wacad ku mareen kooxahaan mintidiinta ah inay qoorta ka jari doonaan asaga iyo xaaskiisa haduusan iskaga baxin howlaha uu lugaha kula jiro taasoo argagax iyo welwel ku abuurtay C/qaadir Axmed Tiirow oo lo yaqaano (Afgooye).

"Waxaa igu adkaatay inan ku noolaado magaalada Maadaama aan helo hanjabaado iiga imaanayo Kooxaha wax ku dila magaalada anigoo wax shaqo ah ku laheyn Ciidamo Itoobiyaan ah iyadoo waliba xaaskeyga aan jeclahayna ay kasoo jeeddo Tikreey laakin ay tahay Ruux Muslim ah oo aan anigu muslimayay waxaana hadda usoo dhaqaaqay xaafad ka tirsan Waqooyiga Muqdisho oo aan islahaa wadku nabad galeysaa balse ay noqotay meel kasii daran meeshii aan kasoo cararay iyadoo habeen anigoo gacaliseyda la jiifo uu iisoo dhacay taleefan kaasoo ahaa nin iigu hanjabayo inuu janada igu gali doono haddii aanan joojin howlo uu ku shegay in aniga iyo xaaskeyga aan u nahay dabadhilif Itoobiyaanka balse waxaan isku dayay inaan ka qanciyo laakiin uma muuqaan arinkaas ee waxuu keensado Aayado asagoo sheegayay inay banaan tahay in la i qaarijiyo ayuu yiri C/qaadir oo markii oo uu warramayay Muuqaal Online ay ka muuqatay naxdin iyo welwel nafsi ahaan ah waxuuna intaas ku daray inuu haatan qorsheynayo inuu raadsado meel uu ku badbaadayo.

Arinkaan oo layaab ay ku tilmaameen dadweynihii ku dhawaa degaan ahaan ama yaqiinay wiilka ayaa sidoo kale waxay ka baxiyeen talooyin badan oo isugu jiray inuu iskaaga hayaamo dalka ama is qariyo oo uu yareeyo dhaq dhaqaaqa iyo socodka halka qaarkalena ay ku taliyen inuu gabi ahaanba iska fasaxo gabadhan si uu u helo xornimo uu ku shaqeeysto balse su'aasha taagan ee la isweydiinaayo ayaa ah sidee Ruux Soomaaliyeed oo guursaday Haweeney Itoobiyaan ah uu ugu noolaan karaa Muqdisho iyadoo ay si aad ah u dhacdo caado ahaan ragga Soomaaliyed ay guursan jireen hablaha Itoobiyaanka ah.
 

Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com

                             Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com