|
|
MUSHARAX
SOMAALIYEED OO UTAAGAN GOLAHA DEEGAANKA HELSINKI
FINLAND 2008.
Muuqaal
Online
Dhalashadiisii
waxa uu kudhashay gobolada waqooyi kuna soo
barbaaray yaraantiisii magalada hargeysa oo ilaa
hada ka quusan waayey wanaageedii. waxa uu isagoo
nin yara dadiisuna tahay 16 jir ka qaxay dhibaatadii
ka dhacday gobolada waqooyi ee somaliya waxa uuna u
qaxay dhulka masar halkaasoo uu aakhirkii kasoo
galay dalkan finland isagoo soomaray wadanka rushka
sanadihii 1990.
Waxbara shadiisii marka laga reebo wax barashadiisii
asasiga ee uu kusoo qatay somaliya . waxa uu halkan
wadanka finland kabilaabay wax barasho sare oo
kusaabsan caafimaadka iyo arimaha bulshada waxa uuna
kutakhasusay gaar ahaan arimaha bulshada qaybaha
dhalinyarada.waxa uu kuhadlaa dhawr luuqadood.
Shaqadiisa waxa uu kasoo shaqeeyay goobo kala
duwan,dalkan finland hadana waa madaxa isku
dubaridaha iyo hogaamiyaha arimaha bulshada ee
qaybaha dhalinyarada ee wasaarada arimaha
bulshada.waxa uuna yahay ninkii ugu horeeyay oo
afrika kayimaada gaar ahaan somaaliya oo madax sare
ka noqda dalkaan gaar ahaan arimaha bulshada.
MR Abiib waa nin dhalinyaro ah,oo leh hibooyin gaara
oo ilaahay kumanaystay haday ahaan lahayd
dulqaad,qalbi wanaag samaan,dad la dhaqan ama ha
ahaado umad inaga dhaqan,midab,iyo diin duwan ama ha
ahaato kuwo intaba aynu wadaagnee waa nin ay u
sahlantahay in uu fahmo oo la dhaqmo. taa macnaheedu
waxaa weeye waa shaqsi leh hanaan hogaamin oo
cidwaliba fahmi karto iyo xirfad buuxda.hadaba
qaabkan hogaanka ah in umad kala duwan meel laysugu
keeno oo la hogaamiyo ayadoo loo adeegayo bulshada
lana saacidayo waa mid kuxiran,qofka oo jecel isla
markaana u bisil u adeega bulshada una heelan oo
jecel in uu caawiyo qof walba oo arin dhibaato
haysato. waxaa intaa dheer lahaansho aqooneed oo
qofku barto dhaqamada kala duwan iyo waxyaalaha
laxariira isfahamwaaga ka iman kara dhanwalbaba.
DHibaatooyinka caruurta soomaaliyeed ee dagan
helsinki iyo nawaaxigeeda
Waxaa kajira dalalkan horumaray ama galbeedka ama
yuruba dhahoo dhaqamo admoodo inay kabadalan yihiin
kuweenii ama dalkeena kajiray tusaale ahaan xaga
caruurta korintooda iyo waxbaridooda waynu kukala
duwanahay ayadoo dalalkan laga yaqaan qaabka
qoysasku inay kakooban yihiin 1-2 caruur ah aabe iyo
hooyo ayagoo aamin san fikirka ah in hal ama laba
caruur ah uun laga fikiro masuuliyadooda xaga
waxbarashada iyo koriishahaba.inagu waa
kabadalanahay oo diinteena iyo dhaqankeenuba waxay
nafarayaan inaan korinkaro waxna bari karo caruur
intii alihaay nasiiyo.
Wadamadan caruurta waxa laga fikirayaa in
lagaarsiiyo inay noqdaan kuwo leh xirfad,iyo aqoon
ay kushaqaystaan markay waynaadaan isla markaana waa
mustaqbalkii ama madaxdii barito ee umadaan.waxa
layiri hadaad rabto mustqbalka wadan inaad fahanto
caruurtiisaa la eegaa. sidaa daraadeed wadankan
caruurtiisa waxaa loosameeyay qorshayaal jihayn ah
ooloogo hortogo in cartuutu kaleexdaan waxa lala
tiigsanayo oo ah inay waxbartaan kadibna bari
anfacaan mustaqbalkooda iyo dalkoodaba.
Arinta halista ah ee laga hortagayo ayaa waxay tahay
dhibaatada sigaarka,khamrada,saaqidida xaga
iskuulka,daroogada,caruurta oo dhibkaan ku dhacdaa
waxay keenaysaa inay ka haraan waxbarashadii
iskuulkii.si arintaa looga caawiyo caruurta dalkaan
waxaa loo sameeyay hay ado iyo ururo isxilqaamay
marka dawlada laga reebo oo u taagan in ay
caruurtooda wacyi galiyaan,oo ku baraarujiyaan
dhibaatooyinka keeni kara inay nolasha ka
dhacaan,dhan caafimaad,dhan waxbarasho
intaba.ilamaha waxaa lagala dagaalamayaa in aanu
noqon danbiile xabsi iyo jeel kudanbeeya.
Hadaba inaga bulshadeena malaha hay ado iyo ururo
udaacad ah oo lakaashada dawlada oo haga caruurteena
soomaaliyeed ee ku nool degaankaan.markuu arkay mr
abiib isagoo kaashanaya waayo aragnimadiisa iyo
aqoontiisa xirfadeed ee arimahaan la xariirta waxa
uu aad u darsay dhibaatada caruurta soomaaliyeed oo
inbadan oo kamid ah suuqa taag taagan yihiin oo
aysan haysan dad baraarujiya oo waqtigooda u
qaybiya.waxa uu arkay in ay inbadani u leexdeen
dhanka balwadaha iyo suuq meeraysiga oo ay lasocdaan
caruuro suuqa ku jira oo cayaal suuq ah kuwaasoo
uduufsanaya dhanka cabida
sigaarka,khamrada,daroogada arinta oo keeni karta
dhalinyaradii inay galaan xabsi oo ay noqdaan
danbiilayaal,halkii ay waxkabaran lahaayeen.
Caruurtu ama dhalinyaradu maxuma badankoodu ee marka
la eego bulshooyinka kale waxaad moodaa inay
caruurahoodii jiheeyeen balse soomaali hadaanahay ma
aruursanin umana dhuundaloolno aayaha ubadkeena
soomaaliyeed waxaynuna ufikiraa ninwaloow
naftaa.hayeeshee mr abiib waxa uu sameeyay asagoo
kaduulaya arintaa iyo dhibkaa kor kuxusan,in uu
usameeyay caruurta soomaaliyeed 3 goobood ama
xarumood oo lagu wacyi galiyo xiliga ay
waxbarashadooda kasoobaxaan ay kunastaan,wax
kubartaan qorshayaal loogu sameeyo haday ahaan
lahayd ciyaaro ayadoo lafiirinaya cidwalbaa waxay
jeceshay ama kufiicantahay inay ciyaarto qaybaha
sportska ee kaladuwan,dhalinyarada waxaa looyeelay
hiwaayad kuhaboon,taasoo keentay in suuqii ay
meeraysanayeen iyo qorsho la aantii ay kabaxeen lana
midnoqdeen asaagood.
Waxaa xusid mudan mr abiib inaysan dadbadan arintaa
qiimaheeda kubaraarugsanayn laakiin dalkaan waxaa
lacadeeyay intii dhalinyaradii la jiheeyay inay aad
u yaraatay dhalinyaro soomaaliyeed oo danbi gala ama
suuq taagtaagan macno daro.waxayna arintani yaabku
abuurtay bulshada finishaka ah ee u dhuun dalooshay
arintaan kuwaasoo bilad sharaf xaflad si wayn loo
soo agaasimay ayna isugu yimaadeen madaxda magalada
Helsinki madaxda wasaarada Arimaha bulshada iyo
caafimaadka kuwa Laan Qayarta Cas iyo aqoon yahano
kala duwan ku gudoon siiyay ninkan iskaleh fikirkaan
ee bulshadiisii kor uqaaday waxayna kula kaftameen
mandeelihii waxaa tahay soomaaliyeed!.
Dhanka dadka waalidiinta iyo waayeelka
Waxaa uu usameeyay goobo ay kukulmaan,kuna
sheekaystaan oo ay uga hadlaan danahooda iyo kuwa
caruurtoodaba xogtana kukala qaadaan waayeelka iyo
waalidiituba.waxaa uu udalbay goobo xiliyo gaara ay
dumarka soomaaliyeed sigaara ugu dabaashaan madama
goobaha dabasha lawada wadaago ama ay qiimo qaliya
tahay in gaar loo kiraystaa arintaa wuu kasaaciday
bulshada oo usoo dhameeyay.
MR abiib waxa uu aad ugu kalsoonyahay
soomaalinimadiisa waxa uuna jecelayhay in uu arko
soomaali oo baraarugsan oo hal u ah sidii ay
wadankaan wax ula qabsanlahaayeen ayagoo isku duuban
waa shaqsi leh aragti dheer oo aan ku mashquul
sanayn arimaha dalkeeni iyo dadkeenii baabi iyay oo
ah qabyaalada iyo goboleeysiga,waa nin dadku
isimanyihiin soomaalina hal utahay.waxaa yar in
lahelo waayadan aqoonyahano sidan ufikiraya tanoo
kuu muujinaysa inay wali jiraan dad wadaniyiin ah oo
soomaali ah.waxaa layiri "sida loo ila yahay looma
alle laŽa".
Waxaan urajaynaynaa bulshada soomaaliyeed ee dagan
Helsinki inay u istaagaan inay codkooda siiyaan
aqoon yahankooda u taagan habeen iyo maalinba danta
iyo hormarka dadkiisa soomaaliyeed si uu ugu
guulaysto in uugalo kana mid noqdo xubnaha golaha
deeganka helsinki.waxaa horay inoogu jiray hal qof
taasoo waji gabax inagu ah soomaali ahaan madama
aynu tiro farabadan kudaganahay magaalada waxaa
layiri" meel ama kamaqnoow ama ka muuqo".
Waxaa uu balan qaaday aqoon yahanka dada yar laakiin
maskaxda weeyn lihi in uu wax kaqaban doono wax
yaalaha hoos kuqoran.
1. Dhanka wacyi galinta dhalin yarada sare uqaadida
waxbarashada,sportska.
2. Shaqo uraadin dadka xirfadaha leh iyo kuwa kalaba
iyo jihayn ku haboon
3. Dadka dalbaday dhalashada in gacan lasiiyo,lagana
caawiyo arimahaas iyo wii kusaabsan sharciga
daganaan shaha guud ahaanba iyo wixii laxariira.
4. Dhibaatooyinka waalidka ka haysta isfahan waa
dhanka xafiisyada arimaha bulshada ama iskuulka ama
afka finishka oo laga caawinayo
5. Dabaal u gaara dumarka xiligay doonaan
6. Latalin waxii kusaabsan arimaha bulshada oo qofku
ubaahan yahay in laga caawiyo.
7. Guryaha oo qofwalba haduu yahay qoys balaaran iyo
haduu yahay qof kaliyaba lasiinayo guri kufilan sida
ugu dhaqsiyaha badan.
gabagabadii
waxaan leenahay wadamadan waxaa wax lagu noqdaa oo
xuquuqdaada lagu dhacsadaa buslshadana wax lagula
qaybsadaa codkaaga ood dhiibato siisana meel ku
haboon hadaba waxan leenahay dr abiib isagoo aan
bulshadiisa cod kahelin cidina aanay dirsan ayuu
iskiis iyo damiirkiisa wadaniyadeed dartiis u
istaagay oo u caawiyay bulshada soomaaliyeed,hadaba
miyaynaan ahayn dad arintaa ka abaal guda oo maanta
garta in aan codkeena siino aqoon yahankeena si uu
dadaalkiisa iyo hawsha uu inoo hayay usii laban
laabo? ileen danteenuu wadaaye.
Anagoo ah bulshada soomaaliyeed ee ku nool wadankan
finland gaar ahaan helsinki iyo nawaaxigeeda
kana kooban qeybaha golaha odayaasha ,dhalinyarada,aqoon
yahanada rag iyo dumarba,waxaan si buuxda oo wadajir
ah codkeena ugu mideynay musharaxa u taagan golaha
deegaanka caasimada helsinki
MAGAYADA JAALIYADA SOOMAALIYEED EE HELSINKI.
1.Axmed maxamed weheliye(axmed xiji)
2.Cabdiraxman maxamed jaamaca(shafka)
3.Xasan maxamed maxamud
4.Khooje axmed xaashi
5.guuleed xuseen sardheeye
5.Idirs xasan faarax
5.Maxamed muuse seeraar
6.Xuseen yuusuf geesdheer(qowdhan)
7.Maxamud saleebaan cawaale
8.Cali baashi maxamed
9.Cilmi yuusuf faarax
10.Yuusuf siciid xasan
11.Axmed cismaan jaamac
12.Maxamed faarax
13.Sugule saalax siciid
14.Maxamed bashiir maxamed
15.Ali muuse Ali (Suldaanka)
16.Cabdulqaadir jaamac (camoow)
17.cabdirisaaq bulxan cigaal
18.Mahad salaad
19.cabdifataah maxamed asad
20.yaasiin cali gaas
21.Maxamed osmaan
22.Khaalid canshuur
23.Axmed cabdirisaaq bulxan
24. Siciid abshir ciye
25.Maxamed siciid abshir
26.cabdirisaaq jaamac
27.Cabdulqadir maxamed cabdi
28.cabdulaahi siciid xirsi
29.Liibaan cali axmed
30.cabdiqadar cali axmed
Yaasiin Ali gaas +358440246468
Nisay51@hotmail.com
Helsinki Finland
Waxii afeef ah waxaa leh qoraaga ku saxiixan Qormada
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|