|
GABAR UU DHALAY CABDULLAAHI YUSUF
OO JACEYL ADAG U QAADAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW ABUU
MANSUUR.
(Nin Aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban)
(Jaceyl indha malahan ee dhega
ayuu leeyahay)
Muuqaal Online
08 Sept 2008
Warar
xog ogaal ah oo aan ka helay ilo ku dhow dhow qoyska
madaxwyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaayo in
ay mid ka mid ah gabadhaha uu dhalay Madaxweynaha
Soomaaliya ay jaceyl aad ula il darantahay ay u
qaaday kana heshay hogaamiyaha duur jooga ah ee
Ururka Al-shabaab ahna afayaheenkooda Sheekh
Mukhtaar Abuu Mansuur Ruubow
Gabadhan Jaceylka sida aadka ah ula il daran ayaa
waxey sheegtay in ay ku jeclaatay wadaadkan qaabka
uu go'aanka u qaaato iyo geesinimadiisa waxayna
sheegtay in ay aad ula socotay Abuu Mansuur tan iyo
markii uu Maxkamadaha kusoo biiray waxayna intaaas
raacisay in uu wadaadku yahay mid haneed qurxoon
kaasoo dabooli karo baahideeda ay u qabto lamaane
caashaqa oo hana kara qalbigeeda waxayna sheegtay in
ay diyaar u tahay in ay Abuu Mansuur kula noolaato
Juqda iyo rasaasta hoosteeda ayna sidoo diyaar u
tahay in ay ka garab dagaalami doonto haddii uu
ogaalado jaceylka aan shaqada ku laheen khilaafka ka
dhex jira asiga iyo aabaheeda
Gabadhaan oo ku nool dalka Canada oo ah gabar wax ka
barata Mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka Canada ayaa
waxay suratay sawir weyn oo uu leeyahay Abuu
Mansuur qolka ay jiifato waxayna u sheegtay
ehelkeeda in aysan sii wadi karin waxbarashada
haddii aysan helin qofka ay jeceshahay Waxayna
qoyskeeda ka codsatay in ay wax walbo u sameyaan
sidii ay ku heli laheed nin ay jaceylka adag u
qaaday, Abuu Mansuur oo la ogsoon yahay sida uu uga
soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo gabadhan aabaheed
ayidoo haddii ay dhacdo in uu arko midba midka kale
ay xabaddu ka dhaxeyso waxaana intaas sii dheer in
uu Abuu Mansuur aaminsan yahay gabadhaan aabaheed in
uu yahay Mujrim.
Qaar ka mid ah qoyska Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxay
ka codsadeen gabadhaan inay iska hilmaamto
sheekadaan maadaama haddii lagu maqlo arinkan ay
sheegeen laga yaabee in aabaheed Cabdulaahi Yuusuf
ay Macquul tahay in uu iska casilo xilka
madaxtinimada Soomaaliya isna dilo ama uu iyada
qoorta ka jaro maamadama uusan Cabdulaahi Yuusuf
aqbali doonin in ay gabadhiisa jeclaato ragga uu
adduunka ugu neceb yahay ayigoo sheegay in ay wax ka
qaban kari lahaayeen haddii uu ahaan lahaa qofka ay
jeceshahay Sheekh Shariif maadama uu yahay nin
qunyar socod ah lana heshiiyay Cabdulaahi Yuusuf
waxayna ka codsadeen in ay ka fogaato ragga Al-shabaab
ah maadama ay ku yihiin cadow maamulka Madaxweyne
Cabdulaahi Yuusuf.
Arintaan ayaa noqtay arin ka yaabisay Soomaalida ku
nool dalka Canada waxeyna dad badani ay sheegeen in
haddii gabadha Cabdulaahi Yuusuf ay guursato
Jaceelkeeda Abuu Mansuur laga yaabo raggaan is neceb
in ay gabaru isu soo dhaweyso oo ay xidid noqdaan
arintaas oo wax badan kusoo kordhin karto nabad
Soomaaliya halka dadka qaarkiisna ay sheegeen in
aysan rajo ka qabin in ay is helaan mucaashaqiintaan
ayigoo sabab uga dhigay Abuu Mansuur in uu yahay nin
kasoo jeedo marka hore qabiil aysan guursan beesha
Cabdulaahi Yuusuf hadane uu yahay shaqsi wanted ah
oo adduunka dhan uu raadsanaayo.
Ismaaciil Saxaaf
saxaaf@hotmail.com
Muuqaal Online
muuqaal@yahoo.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Muuqaal Team |