|
AROOS CAJIIB AH OO LABA DAANYEER
LOOGU DHIGAY DALKA CHINA
Muuqaal Online
07 Sept 2008

Xaflad
si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday dalka
China ayaa waxaa ay aheyd mid la isugu keenay labo
Daanyeer oo is jeclaa kuwaasi oo aroos aad iyi aad u
wanaagsan loogu sameeyay halkaasi.
Dadweyne fara badan oo la fajacay xafladda arooska
loo sameeyay Wukong iyo Xiayo oo ah caruuska
caruusadda ayaa iskugu soo baxay halkaasi iyagoo u
sacabo tumayay lamaanahaan arooska ah.
Wukong oo ah 7 sano jir ah iyo Xiayo oo
caruusada ah oo iyadana lix sano jir ah ayaa ahaa
kuwa aad loogu soo labisay iyadoo loo soo geliyayay
taash iyo suit ( Bridal Gown and Groom Suit) oo ah dharka
lagu yaqaano arooska iyo aroosadda dadka
bani'aadamka ah, hase ahaatee arooskaan xayawaanka
ah ayaa noqday mid aad u qorxoon marka loo labisay
dharkaan.
Arintan ayaa dadweyne fara badan oo caalamka ka
tirsan ay ka qoslisay markii ay arkeen iyadoo ay
Daanyeeradani jilayeen qaabka arooska marka aad
eegto sawiradooda cajiibka ah.
Muuqaal Online
muuqaal@yahoo.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Muuqaal Team |