|
|
MARKAAN GUURSADAY AYAAN OGAADAY INAY TAHAY GAROOB
Muuqaal
Online Magaalada Qaahira ayaa waxaa kunool Soomaali aad u
tiro badan waxaana jirta in ay dhacdo inay soo
gaaraan odayaal guurdoon ah oo isfahanwaa soo dhex
maray xaasaskoodii ay ku qabeen Yurub iyo Mareykanka
ama kuwo aan waliba salaamin naag mar marna
kusheegayaan inay dalkii kasoo tageen 20 sano kahor
intaasna ay ku mashquulsanaayeen aduun balse markii
ay madaxooda ka arkeen cirro waxey go'aan sadeen
inay soo aadaan dalka Masar si ay usoo helaan gabar
yar oo wax baratay ama gabar asluubta Soomaalida iyo
iyo Diinteedii ku ad adag salse qisadan ayaa ka
duwan kuwii hore.
Xuseen oo ah odaygan Soomaaliyeed ayaa ka yimid
Dalka Ingiriiska si uu u guursado Gabar yar waxuuna
la kulmay Qof aad u qurxoon taasoo aragtidiisii ugu
horeysay Xuseen usoo jiidatay sidii birqabatada oo
kale waxuuna sheegay inuu doonay inuu dhulka kusi
daayo Shaah uu markaas cabayay sida uu ula dhacay
awgeed, waxuuna islamarkii ka codsaday dhalinyaro la
fadhiday inay Isbaraan asga iyo qofkaan aragtidada
hore ku dhaawacday waxeyna suurto galiyeen
Dhalinyaradii inay wada kulansiiyaan Xuseen iyo
Qofkaan uu jeclaaday sida uu noo sheegay.
Markii aan isbaranay waxaan kala kulmay soo dhaweyn
diiran, dabeecad wanaagsan, niyad sami aan la heli
karin, waxaana intaas ii sii dheereed sida aan ugu
qanacsanaa ayuu yiri anigoo ku fekerayay inaan helay
Haweeneydii iigu qurxoneeyd aan helay waligey
maadaama aan carigii aan ka imid kusoo arkin qofkan
ruux la mid ah ayuu yiri Xuseen oo markaas ka
muuqatay inuu ka careysnaa waxii uu la kulmay.
Waxaan bilawnay wada hadal Romance iyo qorfeyn dheer
sameyna waxaan wada soconay muddo 2 isbuuc ah
waxaana u sheegay inaan ahay qof aan sii joogi karin
Qaahira oo aan ahay ruux ay ka dhaceyso Howl ama
Shaqo sidas darteed aan Guda galno wejiga kale ee
nolosha maadaama aan noqonay dad isfahma oo aynu
Guri galno aana ka dhigano isla isbuucan wayna igu
raacday racalisadeydii ayuu Yiri Xuseen waxaana aad
ii caawiyay dhalinyaradii ayagu igu leymiyay qofka,
waxaana la xiriiray Qoyskeeda sida Aabahii dhalay
Iinanta iyo Hooyadeed oo Joogay Muqdisho waxaana u
diray sidii caadada aheyd Xoogaagii aan gabadha ku
doonanayay balse iima aysan sheegin inay gabadhoodu
hore usoo guursatay oo waxey iila dhaqmeen sida
inaan ahay qofka ugu horeeya ee guursanayay
Curudkooda inanta ah.
Damaashaad iyo dalxiis aan ku tagnay magaalada
Alexanderia oo iyado xeeb ah una jirta 4 saac
Magaalada Qaahira waxaana sida lagu yaqiinay Aroos
guda galnay gurigeenii aan ka kareysanay meel xeebta
u jirta 20 mitir anigoo niyadeeda noqotay inaan ku
noolahay ama aan helay farxaddii aaduunka waxaana
noo dhacay habeenkii ugu horeeyay gabalka.
Cashadii macaaneyd ee noola keenay kadib abaarahii
10:00 fiidnimo ayaan bilaawnay Kaftan, Gadgadoon,
xanta xanteyn iyo shumis kadib waxaan guda galnay
jawigii caadiga ahaa eed dhaqanka waxaana 30 daqiiqo
oo ka macaan intii aan soo noolaa oo dhan kadib
waxaan ku tagay meeshii wel welka yar iga haystay ee
aheyd tollow sidaad Miraayada u jabin doontaa
laakiin sidaan filaayay ma aysan noqone waxaan la
kulmay waddo iska furan iyo inay tahay ruux hore
usoo maray guur isla meeshii ayaana korontadii iiga
tagtay waxaana isweydiiyayay isla daqiiqaadas
su'aalo badan oo ah yaa kaaga hormaray yaa soo
aroosay maxey kuugu sheegi waysay iyo kuwa kale oo
badan?. ayuu yiri Xuseen oo intaas ku daray inuu ku
dhawaaday xaalad suuxtin.
Waxey igu tiri fadlan i cafi Gabar Ma aheyn waxaan
ahay Hooyo yar oo hore usoo dhashay 3 caruur ah
fadlan ii samar waxaan oo idilna waxaan u sameeyay
oo aanan kuugu sheegi waayay waxaan ka baqay inaad
igu diido arimaas, waxaan isla markii intaan sare u
kacay istaagay daaqadii balakoonka waxaan ku yiri
waad i qayaantay waxaan u sheegay inaan ka tagayo
anigoo soo abaaray asxaabtii Dhalinyrada waxaana u
sheegay inay i sireen oo ay yihiin kuwa Qaa'imiin
ah. ayuu yiri Xuseen oo intaas raaciyay inay layaab
iyo fajac ku noqotay in markuu guursaday kadib uu
ugaaday inay tahay Garoob.
Qisooyinkaan iyo kuwa la mid ah ayaa ka dhaca meelo
fara badan balse tani ayaa nagu noqotay mid
layaableh waxuuna naga codsaday Ninkii ay ay ku
dhacday tani inaan u gudbino SHacbi weynaha
Soomaaliyeed.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|