|
CARUUR U GEERIYOOTAY CAANO SUN AH
OO LA SIIYAY QAARNA AY LA ILDARIIN.
Muuqaal Online
Sida
ay qortay Shabakada Shabelle Caruur ayaa geeriyootay
sedax kale waa ay la ildaran yihiin ka dib markii ay
ku sumoobeen caano ari oo ay Cabeen tuulada maguurta
baar guri oo 7 KM dhanka bari kaga xigta degmada
Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Ilmahaan yar oo u geeriyooday caanaha Sumeysan ayaa
da'dooda lagu qiyasay sedax sano jir ayaa markii
caanaha cabeen goobta uu ku geeriyooday hal Ruux
iyadoo sedaxda kale mid ka mid ah uu la ildaran
yahay islamarkaana aysan laheyn goob
Caafimaad,waxaana goobta Caafimaad ee ugu dhaw ay
tahay degmada Afgooye
Mana laha wado loo soo mari karo maadaama wadada ay
noqotay meel biyo fariisin ah taasina ay keeneyso
meel looga gurmado aysan laheyn si loo badbaadiyo
Caruurtaasi oo nafasadooda ay halis ku jirto ayna
cabeen caruurtaasi caano ari oo sumaysan islamr
ahaantaana ay sababtay in mid ka mid ah caruurtaasi
uu geeriyoodo.
Maha markii ugu horeysay oo tuulada Maguurto baal
Guri oo dad caano ku sumoomaan balse Sanadkii hore
ayaa sidaa noo kale meel alla bari ah ay dad gaaraya
ilaa 42 qof ay ku sumoomaan balse gurmad ay u soo
fidiyeen dhaqaatiirta degmada Afgooye markii ay ka
war heleen ayna ku guuleysteen in ay ka bad
baadiyaan halista Suntaasi
Dhibaatada sunta ay leedahay ayaa waalidiinta ay ku
micneeyeen xoola leyda ay inta badan ku
baraarugsaneyn Halista Sunta Shilinta oo xoolaha la
mariyo ay sababto in dad badan ay u geeriyoodaan
qaar kalena ay wax yeelo ka soo gaarto maadaama ay
si wanaagsan u isticmaalin
Xaalada Caruurta ayaa mid ka mid ah xaaladiisa ay
tahay mid halis ah mana jiro gurmad loo fidiyay
Caruurtaasi ku sumoobay Caanaha ay cabeen.
Xigasho Shabelle
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|