|
|
CIIMADA ETHIOPIA OO GUURSANAYO
GABDHAHA SOOMAALIYEED
Muuqaal Onlie
Ciimada Dowladda
Ethiopia ee ku sugan Magaalada Muqdishu muddo ka
badan sanad ayaa waxaa si xowli ah u bilaabatay inay
guursadaan gabdhaha Soomaaliyeed ee joogo Muqdisho
si ay uga mid noqdaan qoysaska Soomaaliyeed dagaana
ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho
Hooyooyinka degaanada Magaalada Muqdishu ayaa walaac
wayn ka muujiyay arintaas balse ay hooyo kasta
gacanta ku heysaneyso gabdhaheeda waxayna intaasi
raaciyeen inay halis u yihiin gabdhahooda Cudurka
HIV/AIDS-ka oo lagu talaalo gabdhaha da’da yar leh
ee soomaaliyeed, haweenkaan ayaa sheegay in
ciimadamadaan ay yihiin kuwa qaba cudurka AIDS-ka 25
%, sida la ogyahay dalka Ethiopia ayaa ka mid ah
dalalka uu AIDS-ka wax yeeleeyay.
Haddaba Arintaan oo ah arin aad looga naxo wax
yeelana u keeni karta gabdhaha Soomaaliyeed balse
sida la ogyahay ma jirto cid kaga hadli karta xamar
gudahiisa arintaas iyadoo qofkasta la sheegay inuu
xor u yahay go'aanka guurkiisa waxeyna arintani ku
noqotay mid amakaag ah qaar ka tirsan soomaalida,
Tesfow Hiamanot oo ah Askari Itoobiyaan ah oo ka
hadlaayay sababta ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan
yahay xaaskiisa Caasho Xuseen oo uu guursaday 4
bilood kahor haatana sida uu sheegay ay rajeynayan
cunug sanadkan dhexdiisa waxuuna sheegay inuu
isfahmi waa xagga luqada ah ka dhaxeeyo asaga iyo
qoyska Caasho inkastoo iyada ay hore u joogi jirtay
dalka Itoobiya, waxuuna sheegay inuu ka nastay
xeradii uu iyo geedaha hoostooda haatana uu seexdo
gurigiisa asagoo habeenkii uu howsha leeyahay kaliya
dhaxo xerada waxuuna intaa raaciyay inay macquul
tahay in hadii Ciimadada Itoobiya Baxayaan uu isaga
haro uuna ku noolaado Somalia, maadaama uu reer ku
yeeshay Muqdisho.
Khadiija Cumar Aflaawe oo ka mid haweenka deegaanka
Kiilo Mitir 4 (No 4) ayaa sheegtay inaysan aheen
arintaan mid cusub oo ay tahay gabadhii sedexaad oo
xafladeedu ka dhacday xaafaddaan, Khadiija oo
hadalkeedaa sii wadata ayaa sheegtay inaysan
arintaan oo kale inta badan ka dhicin marka gabdhaha
Soomaaliyeed ay ay u safraan Dalka Ethiopia balse ay
ka dhacday dalka gudahiisa.
Dadka ku xeeldheer arimaha cilaaqaadka ayaa sheegaya
in hada ay Joogaan Itoobaanka Dalka sanad iyo wax
yar balse ay hubaal tahay hadii ay sii joogaan waqti
dheer inay ku yeelan doonaan saameyn siiba nolosha
iyo degaanka ah waxaana la ogsoonyahay dalka Lubnaan
oo ay ciidamo Suuriyaanka ahaa nabad ilaalinta u
joogay 16 sano aysan ka wada baxin ayagoo caruur ku
dhalay kana tagi waayay caruurtooda hooyooyinka
Lubnaaniyiinta ah ay u dhaleen sidaasaina ay haataan
ugu noqdeen baaqi kuwa ku ah.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|