HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US
 

 

 

 

DHALINYARADA MUQDISHO OO KA CABANAAYO SHUKAANSI XUMI SOO WAJAHDAY AMAANKA OO XUN DARTIIS.
 

Muuqaal Online
02-Juun 2008

Dhalinyarada Magaalada Muqdisho ayaa inta badan Shukaansi u aadi jiray xafada kala fog xiliga habeenkii lakiin wayaahaan danbe ayaa waxaa soo food saray culeys kaga yimid dhanka amaan xumida ka jirta magaalada Muqdisho iyo waliba ciidamada itoobiya oo xiliga habeenki jaclayn socodka dadka iyagoo cabsi ka qaba weerarada inta badan habeenkii lagu qaado.

Dagaalada inta badan dhaca xiliga habeenkii waxay bajiyaan Balamo inta badan lagu kala tago kadib markii ay dhalin yarada la soo bixi wayaan cabsi jirta awgeed,waxaa intaas u sii dheer Taleefonada oo qayb ka qaato shukaansiga muqdisho ay goyaan rasaasta la is waydaarsanaayo taas oo sababta is arag la'aan iyo is maqal xumo.

Lamaanayaal badan oo xiisa isku qabo ayaa kala baaqdo habeen kasto magaalada muqdisho ayagoo ka cabsanaayo in ciidamada itoobiya oo caraysan ay gacanta u galaan, taaso sababi karto in la dilo ama la xiro oo xabsi loo taxaabo kadibna danbi qofka uusan laheyn qorta loo galiyo.

Inta badan Dhalinyarada magaalada Muqdisho ama Soomaalida dhaqan uma lahan in maalinti la haasaawo ama lagu kulmo ,waayo dadka soomaalida waxay shukaansigooda ka dhigtaan xiliga habeenkii taas oo lagu kulmo inta badan guriga gabadha ay dagantahay.


Mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa ii sheegay in gacalisadiisa aysan habeen is arkin tan iyo intiii ciidamada Ethiopianka magaalada soo galayn ,waxuuna hadalkiisa sii raciyay in ay is arkaan malintii mar mar lakiin ayna inta badan ku xariiraan Taleefoon,

Mahan shukaansi oo qura waxay ay dhalinyarada reer Muqdisho ay ka cabanayaan ee waxaa intaas u sii dheer ayagoo inta badan hebeenkii wayeen ciyaarihii ay daawan jiray taas oo noqtay wax ay iska iloobayn mar hore.


Raage Cali
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com                            

                             Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com