|
GABAR SOOMAALIYEED OO U OYSAY SIDII AY U NOQON
LAHEYD MODEL AMA GABDHAHA DHARKA XAYAYSIIYO.
Muuqaal Online
Gabadhaan oo lagu magacaamo Faduma ayaa ah Gabar
Somaali ah kuna barbartay Wadanka Mareekanka gaar
ahaan Magaalada Boston ayaa waxay ka qayb gashay
tartan lagu gala soocayo gabdha noqon kara modelka,
gabdhaan soomaliyeed qayb ayay ka eheyd gabdha
tartamayay lakin nasiib daro waxay ku hartay qaybaha
danbe ee tartanka ayadoo muujisay dadaal aad u fara
badan balse dadaalkeeda la hartay.
Faduma ayaa markii loo sheegay in ay tartankii ka
hartay ayaa halmar indhaheeda ka soo burqadeyn ooyin
iyo qaylo dhaan aad u saraysay ayadoo shagtay inay
aad uga xuntahay inay ka harto tartankaan gabdhaan
ayaa waxay sheegtaa inay ladahay qaabka Iimaan oo
kale ayna u qalanto inay noqoto model sida iimaan oo
kale waxeyna ka sheegtay Barmaamijka American top
Model ee Tyra Banks Faduma Oo ka qeylinaysa
gudniinkii lagu sameeyay inuu ahaa fircooni.
Gabadha ayaa da'dayda aad u yartahay waxayna jirtaa
22 sano marka aad sifiican u fiirisid waxay u qaab
egtahay Imaan waxayna inta badan gabadhaan isku
ekaysiisaa Imaan ayadoo sheegtay inay aad u
jaceshahy Imaan yaraanteedina ay taagi jirtay Imaan
iskana dhig dhigi jirtay
Mahan markii igu horeeysay oo gabar Soomaliyeed isku
soo sharaxdo inay noqoto hablaha modelka ah ama
xayaysiiso dharka ee hore ayaa waxaa isku soo
sharaxay guulna ka soo hooyay gabdhaha kala ah Imaan
C/majiid .Waris Diiriye iyo Yasmin Warsame.
Raage Cali.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|