HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US
 

 

 

 

LAKSHMI TATMA GABAR KU DHALATAY AFAR LUGOOD IYO AFAR GACMOOD Ka Daawo Halkaan Sawiro Naxdin Leh.

 


Muuqaal Online

Lakshmi waa gabar 2-jir ah oo u dhalatay dalka India waxayna ka mid noqotay mucjisooyinka ugu waaweyn adduunka iyadoo ku dhalatay afar gacmood iyo afar lugood balse dadka ay ka dhalatay ee Hindu-da waxay aaminsan yihiin inay tahay sanamka ay caabudaan oo dib u dhalatay (Hindu Goddess) oo shabaha gabadhan yar ee mucjisada Rabbaaniga ah ku dhalatay.


Baaris caafimaad oo lagu sameeyay Lakshmi ayeey dhaqaatiirta ku sheegeen inay aheyd mataan markii ay uurkii hooyadeedna ay ku jirtay ayn isku darsameen, nasiib wanaag Novembar 2007, 30 dhaqaatiirta qaliinka ah ayaa ku guuleystay qaliin lagu sameeyay Lakshmi oo qaatay 24 saacadood iyadoo laga gooyay xubnahii siyaadada ku ahaa Dr Sharan Patil oo ka mid ahaa dhaqaatiirta qashay gabadhaas ayaa sheegay in qarashka ku kacay qaliinka Lakshmi uu yahay 625,000 oo Dollarka mareykan balse ay ugu tabaruceen Lakshmi maadaama qoyskeedu uu yahay mid dhaqaalo liito leh.


Waxaa nasiib ah in ay gabadhaydu ay noqotay mid caadi ah ayuu yiri Shambu oo ah Lakshmi aabaheed, wuxuuna intaas raacicayay waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan dhaqaatiirta ku guuleysatay inay qaliin ku sameeyaan Lakshmi iyadoo xaaladeeda ay tahay mid caadi ah.



Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com

                             Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com