|
|
11 JIR MASAARI AH OO NOQOTAY
HOOYADII UGU YAREED ADDUUNKA
Muuqaal Online Gabar
Lugu Magacaabo Hindi Maxamed u dhalatay dalka masar
ayaa waxey noqotay hooyadii ugu yareed ee dunida
kadib markii loo geestay kufsi taas oo keentay in ay
uur ku qadaado dabadeedna ay dhashay 11 sano ayidoo
jirto gabar ay ugu magac dartay Minatulah.
Hindi Maxamed ayaa waxey warbaahinata Gudaha Masar
iyo Dibada uga sheekeysay dhacadadaaan xanuunka
badan waxeyna ku bilowday hadalkeedii sidan.
'Anigoo
u socdo Naadi Lugu ciyaaro Kubadda cagta oo ku yaalo
goob ay u badanyahiin dadka shacbiga( danyarta) si
aan u keeno walaalkey oo jiis ah saacaduna ay tahay
labadii maalinimo, qof ayaa xoog igu soo jeeday
waxuuna ila hoos galay dhismo anan wili la
dhameestirin, asigoo igu handadaayo mintidii uu
watay waxuu qoofkaasi i fadhiisiyay al-wax
korkeekiisa kadibna waa i kufsaday markii uu i
kufsaday kadib waa i garaacay waana iga tagay anigoo
gareyn xitaa meesha uu igu kufsaday, waxuu qofkaas
inta uusan iga tigin iigu hanjabay hadii aan
dhacdadan u sheego hooyadey ama aabahey in uu i
dilaayo waxuuna igu yiri waan garanayaa saacadaha
aad maalin walba schoolkoolkaada aado ee sidaas ogow.
Waan iska ooyay maxaa yeelay ma
awoodo in xitaa aan gurigii u laabto waxaa i aragtay
islaan oo i gaartsiisay ilaa iyo goobtii Naadiga ee
Ciyaaraha kadibna aniga ayaa kaligey gurigii usoo
laabtay.
dabcan islaantaas ma anan u sheegin kufsigii la ii
geestay sababtoo ah waxaan ka cabsanaayay ninkii i
kufsaday.
Shan
bil kadib dhacdadii kufsiga, waxaan dareemay colool
xanuun aad u xanuun badan waxeyna saacadu aheed 2
habeenimo, abaahey ayaa waxuu ii keenay kaniin
xanuun ka hor inta anan subaxdii la ii wedin
cisbitaal si la ii saaro raajo, goobtii raajada
waxaa dhacday arintii iigu yaabka badneed nolosheyda
waxaa uu dhakhtarkii inoo sheegay in aan uur
leeyahay.
Hadda hooyadey ayaa gabadheyda ku dadaasho ayida
ayaa cunta siiso ayida ayaa caafimaadkeeda ka
warheyso aniga waxaan u nuujiya naaska oo kaliya.
Waxaan u laabtay schoolkeyga oo aan ka dhigto
fasalka lixaad ee dugsiga hoose,bilowgii schoolka
markaan ku soo laabtay ardayda qaar ayaa i dhibeen
ayigoo igu fowdeynaayo kufsigii la ii geestay iyo in
aan Tvga Ka hadlay.
Aniga malihi wax asxaab ah ilaa iyo hada,
familkeyguna dadka ma dhex galaan,
Waxaan dareemayaa xanuun sababtoo ah waa markii iigu
horeysay oo aan maro uur iyo dhalid, waxaan sidoo
kale dareemayaa in aniga iyo gabadheyda dulmi noola
geestay maxaa yeelay shaqsigii dhibkaan ii geystay
waxey maxkamadu tiri dinbi malahan.
waxaan aniga iyo familkeyga warbaahinta la hadalnay
kadib markii shaqsigii kufsiga ii geestay maxkamadu
tiri dinbi malahan anigoo dooneynay in aan fikirka
guud ee bulshada kicino.
Waxaan doonayaa gabadheyda Minatulah in ay noqto
qanuun-yahan si ay xaqeeda ugu doodo oo xitaasi ay
usoo dhacsato.
Markii dhacdadaan kufsiga warbaahintu ogaatay ayey
Suzan Mubarak haweeneyda madaxweynaha dalka Masar
Xusni Mubarak ay soo saartay go,aan ay nugu siineyso
aniga familkeyga guri cusub oo ku yaalo magaalada
Qaahira.
Waxaanu ka qaadanay Go,aankii maxkamad ay ninkii i
kufsaday dinbi la,aan kaga dhigtay racfaan mana laga
yaabo in aan rumeysto in ay maxkamada sare ayidana
dinbi la,aan ka dhigto ninkii i kufsaday si markaasi
gabadheyda ay u noqoto aabe la,aan.
Ismaciil saxaaf
saxaaf@hotmail.com
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|