|
HOOYO MASAARI AH OO DHASHAY 7
CARUUR MATAANO AH Muuqaal Online
17-Aug. 2008 Ghazala Khamis oo ah
haweeney 27 jir una dhalatay Dalka Masar ayaa ayaa
cisbitaal ku yaalo Magaalada Waqooyi ee Alexandria
oo lagu magacaabo El-Shatbi Hospital ku dhashay 7
caruur mataano ah sabtidii shalay iyadoo mataanahaan
ay afar yihiin wiilal halka sedexda kalena ay yihiin
gabdho.
"Xaaladda
caafimaad ee caruurtaan iyo hooyadood ayaa ah mid
aad u fiican balse ay ku dhasheen miisaan aad u yar
'' Waxay ku dhasheen 1.45kg illaa 2.80kg xaaladooda
waa heer sare" sidaa waxaa wakaalada wararka AP u
sheegay Dr Emad Darwish oo ah agaasimaha Hospitalka.
Dr Emad ayaa sidoo kale sheegay inuu uurkaan ahaa
mid aad u cuslaa sidaas darteed ay sugi waayeen
xilligii ay ku dhalasay waxayna soo hormariyeen bil
iyadoo sidaasna lagu qalay maadaama ay dhibaato ku
noqon laheed haweeneydaan inay caadi u dhasho,
Dowladda Masar ayaa waxa kaliya oo ay u balan qaaday
caruurtaan inay siinayso xafaayaddo iyo caano 2 sano
oo kaliya balse ay tahay mid sii saacido doonto.
Mataanaha dhasho ayaa inta badan lagu arki jiray 3
illaa 4 iyadoo waliba ay adkeyd sida ay ku
noolaadaan iyagoo caafimaad qabo, hadaba arintaan
ayaa noqotay mucjiso layaab ah oo ka timid dhanka
Alle, arintaan ayaa adduunka oo dhan indho ku hayeen
shalay iyo maanta iyadoo laga yaaba in ay helaan
qoyskaan gargaar dhaqaalo maadaama ay adagtay sida
lagu koriyo mar 7 caruur ah oo mar qura wada dhashay.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|