|
KAWAANLE (HILIBLE) GABAR UU
JECLAA KU HANTAY HILIB
Qiso Ka Dhacday Muqdisho.
Muuqaal Online.

Nin hilible ah oo
xaafadda shanta geed ee degmada Howlwadaag ee
magaalada muqdisha ku iibsada Hilib uu Miis
xaafadeed uu dhigtay ayaa gabar uu jeclaa oo mar
walba hilib ka iibsata wuxuu siiyaa hilib ka badan
qiimaha ay baxsato iyo sidoo kale hilib jiir ah oo
nadib ah.
Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Gurey, gabadha
uu jeclaadayna Malyuun Cabdi ayaa hooyada dhashay
gabadhaas waxay mar walba aragtaa gabadheeda oo
marka laba kun oo hilib quraacda loo dirto wadda
hilib quraac, qado ilaa cashada ku filin oo wada
jiir ah, iyadoo hooyadaas marka ay gabadhaheeda kale
adeega u dirta ay u keenaan inta xaqa ay u leeyihiin
ee caadiga ah.
Mar dambe oo ay hooyadu u kuurgashay arrintaa ayay
ogaatay in ninka hiliblaha ah uu gabadheeda jecel
yahay, waxayna gabadheeda ku tiri “Ninka haddii uu
ku jecel yahay haku soo doonto ee hilib aan xaqeena
ahayn ha inooga soo qaadin”.
Warkan oo aanu ka soo xiganay Wargeyska Aayaha
Nolosha ayaa intaa ku daray in gabdha ay ninkii u
sheegtay dhamaan arrimihii ay kala kulantay
waalidkeed, kaddib uu sidaa ku soo doontay gabdhii,
lana siiyay.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|