HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US

NIN  GERMAN AH IYO XAASKIISA OO SOMALI AH OO LAGU AFDUUBTAY MAGAALADA BOOSAASO.

Muuqaal Online
22 Sept 2008

Maleeshiyo hubeysan ayaa weerar kusoo qaaday lamaanahaan xilli habeenimo ah ayagoo hurdaayay hotel ku yaala magaalada Bosaaso ay deganaayeen sida ay muuqaal.com ugu soo waremeen goob jooge ku sugan magalada Bosaso , halkaasoo afduub loogu geystay ninkan germalka ah iyo xaaskiisii.

Muuse Geelle Yusuf oo ah Duqa Magaalada Bosaso ayaa  sheegay in lamaanahaan laga qafaashay hoteelkaan oo ay ku sugnaayeen habeenimadii sabtiga , mana la oga halka ay u wateen dadkaan maliishiyadaasi iyadoo ay socdaan baaritaano lagu raadinayo halka ay geyteen.
 

Wasaaradda Arimaha Dibadda Germalka ayaa  sheegtay in safaarada ay ku leeyihin Kenya ay xeriir la sameeysay maamulka halkaasi ka jira si ay usii dayn lahaayeen ninkaasi jarmalka ah iyo xaaskiisa.



Maalmahaan dambe ayaa waxa si aad ah loo beegsadaa Somalia Ajaanibta, saxafiyinta, iyo shaqaalaha gargaarka ayadoo la weydiiso madax furasho waxaana la filayaa inay ka mid tahay dhacdadan kuwa maalmahan ka dhacayay dalka gaar ahaan deegaanada puntland.


Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com                                 
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team.

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com