Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
De Fen Yao naagta adduunka ugu dheer oo ku nool Magaalada Liuan , China E-mail
Monday, 09 March 2009 23:55


De Fen Yao waxay ku dhalatay Magaalada Liuan ee dalka China taariikhda markay aheyd 15-ka Luuliyo 1972 De Fen ayaa adduunka looga aqoonsaday inay tahay haweenka adduunka tan ugu dhiri badan iyadoo ay dhirir keeda xaqiijiyeen Guiness Book of World Records ka dib markii ay mitirinaayay seddex maalin iyadoo ay mitir ku xaqiijinaayeen subax galab iyo habeenba gabagabadiina waxaa la xaqiijiyay inay tahay Haweenka adduunka tan ugu dhirir badan leh waxaana ay noqotay 2.36 (Mitir) halka culeeskeeduna yahay 200Kg.
Wararka la xiriira

De Fen Yoa ayaa ka hor inta aanan loo aqoonsan darajada dhirirkaan ayaa waxay aheyd mid aad looga yaqiinay adduunka dacaladiisa iyadoo warbaahinta aad ugu laab laabteen si ay ugu bandhigaan adduunka inay tahay tan ugu dheer adduunka De Fen ayaa ah haweeney xanuunsan iyadoo sheegtay inaysan ku faraxsaneen   aqoonsanaanta loo aqoonsaday Dhirirka adduunka, Maku faraxsani dhirirka la ii aqoonsaday maxaa yeelay qofkii darajo loo magaacabo waxaa fiican inay tahay mid caafimaad qabto ayay tiri De Fen oo intaasi raacisay inaysan ka hor muuqan karin Barnaamij Tv Maadaama ay tahay haweenka tan ugu dheer.

Dhaqaatiirta caafimaad oo la socdo xaaladda De Fen ayaa sheegay inay wali sii koreyso oo marba marka ka danbeeyo uu dhirirkeedu iyo culeeskeeda sii badanaayo iyadoo laga baqaayo in ay isku soo jabto sababtoo ah culeeska iyo dhirirka oo aan isku dheeli tirneen daraadeed De fen ayaa fadhiisan karin muddo ka badan saacad iyadoo uu socodkuna uu dhibaayo waxaana saacida hooyadeed.

De Fen ka hor inta aan adduunka looga aqoonsan dhirirkaan ayaa waxaa haweenka ugu dheeraa Sandy Allen oo ah haweeney u dhalatay gobolka Indiana ee America,

Wadanka China ayaa ah wadan aad u mucjiso badan isagoo aad ka helayso leh mar xalado kala gedisan.
Muuqaal Online