Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Sakhan Dosova hooyo u dabaal degeyso xafladda dhalashadeeda 130 sano aadna u faraxsan E-mail
Thursday, 26 March 2009 13:25


Sakhan Dosova hooyo u dabaal degeyso xafladda dhalashadeeda 130 sano aadna u faraxsan

 


Sakhan Dosova ayaa u dabaal degeyso berito oo jimca ah (27-03-2009) da’deeda 130-naad iyadoo galaysa qofka ugu da’weyn adduunka muddo laga joogo 16 sanadood, Sakhan ayaa ku dhalatay waqooyiga Kazakhstan taariikhda markay ahayd 27-03-1879 sidaasi daraadeedna waxay u dabaaldegi doontaa berito oo jimca ah sanadkeedii 130aad, Sakhan Dosova ayaa dhashay 10 caruur ah waxayna soo guursatay laba nin waxaana hadda u joogo sedex caruur oo ah kuwa ay dhashay iyada.

 

Xukuumadda Kazakhstan ayaa sheegtay inay hubineyso dhalashada Shakan si ay isku soo taagto adduun weynaha islamarkaana laga diiwaan geliyo Guinness World Records oo ah buugga lagu qoro dadka recordka adduunka jebiyay iyo waxyaabaha layaabka lehba, Sakhan ayaa sida aad ugu jeedaan baasaboorkeeda Soviet ku cad da’deeda.

 

Sakhan ayaa waxay ku nooshahay nolol aad u faqiir iyadoo degenna dabaq aad u buux dhaafay lana degenna Gaukhar Kanieva ay ayeeyo/abooto u tahay, Gaukhar Kanieva oo ah 42 sano jir oo u waramaysay warbaahinta ayaa sheegtay in ayeeyadeed ay aad u caafimaad qabto marka laga reebo maqalka dhegaha oo waxyar ku adag.


Qofka adduunka ugu da’da weyn ayaa waxaa si caalami ah loogu aqoonsahaa Edna Parker oo u dhalatay dalka Mareykanka isla markaana da’deedu ahayd 114 sano.



Muuqaal Online