| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Thomas Beatie ninkii uurka lahaa qiso layaableh oo ka dhacday Dalka Mareykanka |
|
| Friday, 09 January 2009 00:40 | ||||
|
Thomas ayaa bishii April ee sanadkaan waxa uu marti ku noqday bandhigga showga ee Oprah ee dalka Mareykanka isagoo halkaasi ku sheegay inuu uur leeyahay iyadoo halkaasi lagu saaray Scan-ka lagu ogaado in calooshu ay ku jirto caruur sidaasina waxaa lagu xaqiijiyay inuu leeyahay uur, marka la weydiiyay isaga iyo xaaskiisa sida uu uurkaan ku yimid ayay waxay sheegeen ina soo iibsadeen Manida ragga ee uurkaan sababtay Nancy oo ah xaaska Thomas ayaa sheegtay inay u isticmaashay manidaan saliingada lagu siiyo xayawaanka raashinka si ay u gaarsiiyo minka manidaan sidaas daraadeedna ay ku heleen uurkii ay rajaynayeen. Waan sugi la ahay inaan arko wajiga cunugayga aad ayaana ugu faraxsanahay ayuu yiri Thomas oo intaasi raaciyay inuu dhalaayo gabar bishan soo socota ee Juun mareykan iyo adduunka intiisa kale ayaa looga yaqaanaa Thomas a Pregnant Man iyadoo dadka Mareykanka ah ay la yaabeen waxa uu yahay nin iyo naagba Muuqaalkiisu waa nin jirkiisuna waa naag uur leh. Muuqaal Online |


Thomas Beatie oo ah 34 jir u dhahay dalka Mareykan ayaa waxa uu markiisii hore ahaa dhidig ama inuu ahaa markii uu dhalanay gabar hadaba Thomas ayaa yaraantiisii waxaa lagu magacaabi jiray Tracy waxa uu bilaabay inuu bedelo Jinsiyaddiisa naageed isagoo u bedelay Jinsiyadda Ragga ama Lab, qaliin ayaa looga sameeyay naasaha waxaana laga jaray iyagoo dhan balse Thomas ayaa dhaqaatiirta u sheegay inuusan doonaynin in laga bixiyo minka si uu mustaqbalka u helo caruur. 










