Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Thomas Beattie ninkii uurka lahaa ee reer America oo dhalay gabar E-mail
Monday, 09 March 2009 00:26

Thomas Beattie oo ahaa ninkii uurka lahaa ee u dhashay dalka Mareykanka  ayaa waxa uu Hospitalka St. Charles Medical Centre ee Benda uu ku dhalay gabar, Thomas ayaa horey Scan horey loogu ogaaday waxaa ay ku shegeen dhaqaatiirta inuu dhali doono Maalinimada khamiista ah ee 3-da June balse uu kasoo hor maray waqtii ay u qabteen dhaqaatiirta, arintaan ayaa la ogaaday ka dib markii xalay ay idaacadda ABC News ee Dalka Mareykanka ay sii daysay inuu Thomas dhalay caafimaad qabto intii ka horeysayna xalayna ay saxaafadda ka qarinaayeen.

Waa gabar aad u qurxoon waana ku faraxsanahay ayuu yiri Thomas oo intaas raaciyay in waxa kaliya uu kaga duwan yahay hablaha ama naagaha ay tahay inuusan gabadhiisa nuujin karin naas isagoo sidoo kale sheegay in hooyooyinka badankood ay sameynin iyagoo awoodo inay nuujiyaan.

Wararka la xiriira

Thomas ayaa markii hore uu dhashay loogu magac daray Trucy isagoo ahaa gabar aad u qorxoon balse uu ka door biday inuu bedelo jinsiyaddiisa uuna noqday nin sida ka jirto maamulka Mareykanka looguna diiwaan geliyay inuu yahay Thomas.

Arintaas ayaa aad looga hadlaayay xalay illaa iyo maanta iyadoo warbaahin gudaha dalka Mareykanka iyo tan dibadaba ay wararkoodu ugu muhiimsan ahay waxay cinwaan ka dhigteen Pregnant Man Gives Birth to Baby Girl, (Ninkii Uurka Lahaa oo Dhalay Gabar).

Muuqaal Online