|
Tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii Soomaaliya waxaa dalka saameeyay dhibaatooyin fara badan oo dhinaca nolosho ah, iyadoo dhibaatooyinkaasi ay ugu horeeyaan dadka taagta daran ee noloshooda hooseysa, kuwaasi oo caruurtooda kaafin karin hadey ahaan laheyd cuno, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad.
Dajiye Maxamed oo ah Shan sano jir kuna nool magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, wuxuu qabtaa shaqooyin fara badan oo uu ku maareeyo noloshiisa iyo tan reerkiisaba, Dajiye nasiib uma helin inuu wax barto maadaama qoyska uu ka soo jeedo ay ku nool yihiin dabaqad hoose, taasoo keentay in walaalahiisa iyo waalidkiisa ay qof kasta u soof tagto sidii loo maareyn lahaa nolosha.
Dejiye Maxamed ayaa wariye ka tirsan Warsidaha Muuqaal Online uu kula kulmay Baar Waamo oo Madaxda iyo dadka dhaqaalahooda sareeya ay ka cunteeyaan xili uu Baabuur iridka hore ee Baarka yaala masaxayey (boor qaad) ayaa aad ii soo jiidatay shaqada Dajiye, saaxiibadii kale ee ila socday oo iridka baarka sii galaya ayaan ka hakaday anigoo u istaagay una yeeray asxaabteyda kale si ay iila arkaan Dejiya iyo dadaalkiisa, halkaasoo aan ku wareystay, mid ka mid ah Suxufiyiintii ila socotay oo aad ula dhacay ayaa lacag dhiiri gelin ah uu siiyay Dajiya oo aad u qoslayey.
Wuxuu ii sheegay Dejie in asal ahaan uu ka yimid Koofurta dalka Soomaaliya, Aabihiis iyo Hooyadiisna ay suuqa Garoowe ka shaqeystaan inkastoo uusan ii sheegin shaqada ay qabtaan, waxaan weydiiyay sababta ku kaliftay isagoo aad u yar in uu shaqo qabto ayuu wuxuu yiri "Wixii aan cuni lahaa aniga iyo walaalaheyga ayaan shaqeeyaa" inkastoo uusan si wanaagsan u hadleynin Dajiye.
Aniga iyo Suxufiyiin kale oo ila socotay ayaa mudo daqiiqado ah la sheegeysanay, inkastoo xiligii uu baabuurka masaxayey aysan ii suuragelin inaan sawiro, balse mar labaad aan ku noqday xili galab ah ayaan hadana arkay Dajiye oo shaqadii uu hayey mid ka duwan haya, taasoo aheyd isagoo Caseeye (Baalashle) xiligii aan markii labaad la kulmayna uu ku guda jiray Baalash uu u sameynayey oday da' ah, waxaan ka codsaday inaan sawir ka qaado igana aqbalay, anigoo u mahad celiyay.
Dajiya wuxuu kaloo sheegay in maalintii uu helo in ka yar Hal Dollar taasoo uu ka cunteeyo wixii soo harana uu dib ugu laabto reerkiisa si ay u kaashadaan, waxaana uu sidoo kale tilmaamay in wiilal iyo gabdho la dhashay ay sidaan oo kale shaqeeyaan. Dajiye oo aan hadal fiican aqoon waxaa uu ii sheegay in uu aad u jecel yahay shaqada, waxaa sidoo kale Dajiye la shaqeeya caruur kale oo ka da weyn kuwaasi oo aan weydiiyay qaabka ay ula dhaqmaan ayuu sheegay in mararka qaar ay ka xoogaan wixii uu shaqeysto, marmarna shaqada ka fara maroogsada.
 Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa caruurta aad u yaryar ayaa waxay ka shaqeeyaan shaqooyin adag oo aan habooneyn in ay qabtaan, waxaana jira caruur fara badan oo iyagoo ku guda jira shaqooyin aan loogu talagalin in ay qabtaan caruurtaan, xiliyada ay isku dhacyada hubeysan ay ka dhacaan magaalooyinka qaar sida magaalada Muqdisho oo caruur fara badan lagu xadgudbay.
Muuqaal.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|