| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Xaarka oo dalka Kenya ka noqday aalad lagu dhaco dadka |
|
| Monday, 13 April 2009 16:43 | |
|
Waxyaabaha ugu yaabka badan ee burcadda dalka Kenya mudooyinkan bilaabeen ayaa ah in dadka Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta dalkaasi ay ku dhacaan Saxarada (Xaarka), waxayna taasi keentay in dadka ku sugan Kenya ay iska ilaaliyaan qof kasta oo bac wax ku wada. “Leta kila kitu ama nikubake Mavi” oo macnaheedu ah “Keen waxaad heyso ama xaar ayaa ku marinayaa” ayuu leeyahay ninka burcadka ah ee reer Kenya marka uu qofka uu damco dhacayo isagoo gacanta ku heysto bac ay ka buuxdo Saxaradiisa, taasoo dadka ku kalifeysa in uu wixii uu heysto hadey ahaan laheyd lacag ama Mobilada oo burcada ay aad u jecel yihiin uu dhiibo deg degsiimo ay ku jirto hadii kale wajiga ayaa looga daadinaayaa Saxarada. Burcada sidaasi ku dhaca dadka ayaa waxay jecel yihiin dadka aadka u labisan iyo dadka kale ee wadooyinka ku wata gaadiidka ee diriishadaha u furan, waxayna dul tegayaan dadka gawaarida wata ee wadooyinka ka xermay iyagoo oranaya “Leta kila kitu ama nikubake Mavi” qofkaasi oo ku qasban in uu dhiibo wixii uu haayo. Haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ajnabiga ah ayey aad u ilaalsadaan tuugada reer Kenya, waxaana ay tani keentay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ay marka ay baxayaan soo hadal qaadaan Burcada dadka ku dhacaya Saxaradooda. Cali Muxiyaddin |














