|
|
MANUEL URIBE NINKII JEBIYAY RECORDKA CULEESKA
Daawo Sawirada.
Manuel Uribe waxa uu ku dhashay
magaalo lagu magaabo Monterrey oo ku taalo dalka
Mexico taariikh markii ay aheed 11-kii Juun 1965,
Manuel ayaa adduunka oo idil looga aqoonsaday inuu
noqday ninka adduunka ugu culees badan (Heaviest Man
in the World) wuxuuna jebiyay recordkii adduunka u
yiil isagoo noqday 560 Kg
Manuel markii ay da’diisu aheed 22 ayaa waxa uu
sheegay inuu ahaaa 130 Kg isagoo aad ugu walwalsanaa
culeeska soo korey, wuxuuna intaas raaciyay inuusan
sameynin xiligaas wax ka hortag balse sanadii 2001
wixii ka danbeeyay waxa uu noqday nin aanan ka degi
karin sariirta uuna u baahan yahay markasta in
cuntada loogu keeno meeshiisa sidoo kale ay noqotay
inuu helo caawinaad ugu yaraan illaa laba qofood ah.
Manuel ayaa waxa uu caawinaad wediistay Tv laga
fiirso gudaha wadan ka Mexico ee lagu macagaabo (Televista)
si ay ugu bandhigto dhibkiisa adduun weynaha balse
dhaqaatiirta u dhalatay wadankiisa waxeey go,aan ku
gaareen inay wax ka qaban karin culeeska Manuel ama
qaliin lagu sameeyaba, nasiib wanaag waxaa uu
codsigiisa gaaray dalka Italy halkaas oo ay ka
daawadeen dhaqaatiir u dhashay dalkaas oo sheegay
inay wax ka qabaan karaan arinta heesato Manuel
Uribe.
Sanadii 2007 Uribe waxa uu ka hor yimid qaliin looga
sameeya dhanka caloosha (Gastric Surgery) oo usoo
jeediyeen dhaqaatiirka Italy, wuxuuna bilaabay inuu
iska joojiyo cuntada saliidda leh isla markaas uu
bilaabay inuu cuno oo kaliya cunto protein leh (Zone
Diet), isla sanadkaas waxa uu noqday 362 Kg taasoo u
suura gelisay inuu markii ugu horeysay muddo 5
sanadood ah ku socdo lugahiisa, Manuel ayaa ku socdo
wadadii uu ku gaari lahaa sida uu isaga yareeyo
cayilka, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu
noqdo culeeskiisa 127 Kg ka hor 2010-ka.



Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|