HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US

 

 

 

 

 

 

 

MAXKAMAD MILATARI OO BURBURISAY DACWADDII DILKII SHIDANE CAROONE OO AY ASKARTA CANADA KU DILEEN SOMALIA

Muuqaal Online
15 Sept. 2008

Maxkamad milatari oo ku taalo Saskatoon ee dalka Canada ayaa burburisay dacwad lagu soo oogay Cpl. Clayton Matchee oo ah askari si xun u dilay Shidane Abuukar Caroone oo ah wiil 16 jir Soomaaliyeed xiligii ciimadii Qaramada Midoobay ee ay Somalia joogeen 1993, sidaasna waxaa maanta u sheegay warbaahin Col. Bruce MacGregor oo ah ku xigeenka agaasimaha fulinta dilalka ee Ciimada Milatariga.

16-kii March 2008 Marxuum Shidane Abuukar Caroone ayay ciimada Canada ku xireen xeradooda Magaalada Beledweyne isagoo ay ku eedeynayeen inuu waxyaabo yar yar uu ka xaday halkaasoo lagu dhigay xabsi isagoo ku dhintay intii uu xirnaa dhibaato la xiriirto jirdil loo geystay iyo iyadoo la gubay waxaana masuul ka ahaa inuu ilaaliyo meesha uu ku xiran yahay Clayton Matchee oo ah askariga maanta la cafiyay.

Askartii kale ee ku jirtay xeradaasi ayaa arkeen wiilkaan yar oo ku silacsan meeshaan dabadeedna ka qaaday sawiro laba maalin ka dib waxaa la xiray Clayton Matchee isagoo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay dilkii Caroone, Matchee ayaa isku dayay intii uu ku jiray xabsiga milatari inuu isdilo halkaas oo ay waxyaalo kasoo gaareen wuxuuna beelay ama waayay qeyb ka mid ah maskaxdiisa.

Sanadkii 1994 baaris lagu sameeyay dilkii Caroone ayay maxkamadda dusha ka saartay inuu masuul ka yahay dilkaasi Matchee laakiinse uusan ahayn nin soo istaago karo maxkamadda horteeda xaalad xaafimaad darteed balse ay maxkamad dib usii dhacday isagoo loo diray Cisbitaalka kale si loo ogaado xaaladiisa caafimaad, Dhaqtarkii u qaabilsanaa Matchee dhanka caafimaad ayaa maxkamadda u sheegay inuusan marnaba Matchee ka bogsan doonin madaxa (Maskaxda), 15 sanadood ka dib ayaa Maxkamadda dib u eegtay dacwaddii Caroone sidaasna ay ku burburisay dacwaddii Clayton Matchee sida uu u sheegay warbaahinta Col. Bruce MacGregor maanta isniin ah.

Allaha u naxariistee Shidane Abuukar Caroone ma aha qofkii ugu horeeyay ee ay dilaan ciimaddii Qaramada Midoobay ee Somalia loogu soo diray nabad ilaalinta iyadoo ay waxyeelo badan geysteen sida la ogyahay, mana aha dacwadii ugu horeysay ee lagu soo oogo askartii Qaramada Midoobay ee Somalia joogay. 
Matchee oo jirdilayo Shidane


Clayton Matchee oo ay Maskaxdiisu isku darsantay


Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
                                 Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team.
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com