|
MAXAMED WIIL SOOMAALIYEED OO KA QAYB GALAY BIG
BROTHERS UK
Muuqaal Online
06-Juun 2008
Mohamed
oo ah wiil Soomaaliyeed da'diisuna tahay 23-jir kuna
dhashay Somalia ayaa waxa uu kasoo qeyb galay Big
Brother UK oo ah Barnaamij la sameeyo sanad kasta
bisha Juun soconayana seddex bilood, Big Brother
ayaa ah mid aad looga daawado Britain iyadoo ay
tahay sanaddii 9-aad ee lagu sameeyo United Kingdom,
Barnaamijkaan oo ah is reeb reeb ayaa qofkii ku
guuleysto la siiyaa 100,000 oo Geniga Starliinka ah
sidoo kale Barnaamijkaan ayaa laga dhigaa wadama
reer galbeedka iyo wadamada qaar ku yaalo Africa iyo
Asia.
Maxamed ma aha qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo
kasoo qeyb galay barnaamijkaan waxaa horey ugu soo
qeyb galay wiil Soomaaliyeed oo lagu macagaabo Axmed
sanadkii 2004-tii isagoo ka ahaaday banaanka dhowr
usbuuc ka dib.
Maxamed ayaa inta uusan Britain imaanin ayaa waxa uu
ku soo noolaay wadamo badan isagoo markii ugu
horeysay dagaaladii sokeeye ka dib usoo qaxay Kenya
ka dibna isku soo maray Eritrea, Ethiopia iyo Dubai
waxa uuna ugu danbeyntii yimid isagoo wada jir la ah
qoyskiisa.
Maxamed oo warbixin siiyay TV-ga bandhigan isku soo
abaabulo ee Channel 4 inta uusan ku xaroonin aqalka
ayaa waxa uu sheegay in riyadiisa tahay haddii ay ku
guuleysto barnaamijkaan inuu hooyadiisa u iibin
doono guri, Maxamed oo intaasi raaciyay ayaa sheegay
inuu jecel yahay gabdhaha caatada ah ee dheer (Qalanjooyinka)
lehna timaha madoow iyo indhaha buluugga ama
baroonka leh sida Monica Belluci oo ah jilaa u
dhalatay dalka Italy.
Maxamed ayaa nafsadiisa ku qeexay inuu yahay nin
bashaash ah markastana jecel inuu aado ama la socdo
asxaabtiisa isagoo intaa raaciyay inuu jecel yahay
filimada qosolka ah isagoo xiiseeyo inuu daawado Jim
Carry, Omid Djalili iyo Ricky Gervais oo ah jilayaal
sameeyo filimada qosolka ah.

Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|