HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US

GUDDOONKA CUSUB EE NAADIGA ARDAYDA SOOMAALIEED EE DALKA MASAR OO XILKA LAGU WAREEJIYAY.

Muuqaal Online
21 Sept 2008

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar,xafladaan oo aheyd xaflad xil wareejin ah taasoo guddoonkii hore ee Naadiga Ardayda Soomaalieed ee Dalka Masar xilka ugu wareejinayay guddoonka cusub ee Nadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.


Xafladaan xil wareejinta aheyd waxaa goob joog ka ahaa guddigii garsoorka doorshadii hore ee dhacday waxaana kamid ahaay gudigaasi  Shiikh Yusuf Xuseen Jimcaale iyo Ustaad Maxamed Cumar, waxaana gudoomiyihii hore ee Naadira Ardayda soomaalieed C/qaadir khayre uu xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Nadiga Ardayda Soomaaliyeed C/Nasir Cumar Cismaan oo waxii xiligaan ka biloowda ah guddomiyaha  rasmiga ah ee Naadiga Ardayda Soomaalieed ee Dalka Masar.

Gudoomiyaha cusub ayaa si farxadi ku dheehantahay kula wareegay xilka cusub waxuuna balan qaaday in si daacadnimo ka muuqato xilkiisa u gudan doona wixi ka bilaawdo waqtigaan.

Sido kale waxaa loo doortay xilalka kale sida gudoomiya ku xigeenka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed C/Qadir Aadan Maxamed halka loo doortay xoghayaha Nadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar Mr Maxamuud Axmed Maxamed.

Arinta inta badan Jaaliyada Dalka Masar ay hadal heeso ayaa waxaa ay tahay in ay wali jirto garabyadii loo kala jabay xiligii doorashada taaso ay ku macneyeen garabkii doorashada looga adkaaday labadii arday ee u soo baxday in wax jago ah oo weyn aan la siin halka jagooyinkii muhiimka ahayeen ay qateen garabkii doorashada ku xooga badiyay taas u dhalin karto kala qoqobnaan sii daba dheeraato.

Doorashada sanadkaan ayaa noqotay doorashadii ugu qabqabsiga badneed kadib markii Arday Soomaaliyeed oo haysato jinsiyada kale laga saaray doorashooyinkii ayagoo la yiri ma noqon kartaan Soomaali iyo wax lamid ah.

Gabagabadii Xalfada ayaa waxaa lagula dardaarmay gudoonka cusub Naadiga Ardayda Soomaaliyeed iyo kii horaba in lasoo caliyo shantii soomaaliyeed lana dabar gooyo arinta ah adiga matihid Soomaali ayadoo lo ogyahay in qafka Soomaali yahay.

Si kastaba ha ahaate gudoonkii hore ee naadiga ardayda Soomaaliyeed ayaa waxay soo bandhigeen wax qabadkooda ayagoo lo ogaay in ay qabteen rixlooyin muhiim ah iyo waliba tartan aqooneedyo sidoo kale waxay sameyeen dayac tir balaaran iyagoo ku xardhay gidaarada Naadiga ardayda Soomaaliyeed Calanka Soomaaliya.

ugu danbayntiina gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan SYO C/Raxmaan Tuuryare ayaa kula taliyay guddoonka cusub ee Naadiga Ardayda Soomaaliyeed  in xilkooda u gutaan si wadaniyad iyo is jaceyl Soomaaliyeed ku dheehan tahay kana saaraan meesha qubqubnaata isagoo intaas raaciyay in dhalinyarada ay yihiin hurmuudka mustaqbalka.

Raage Cali Dheere
Muuqaal.com
raagenews@hotmail.com
                                  Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team.

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com