HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US

 

 

 

 

 

 

 


NAAGTA UGU LUGA DHEER ADDUUNKA OO LA KULANTAY NINKA UGU YAR ADDUUNKA.

Muuqaal online
18 Sept 2008
                    

           HADDII AAD RABTO INAAD DAAWATO ISAGOO YOUTUBE AH RIIX HALKAAN

Waxaa ku kulmay bartamaha magaalada London Hi Pinpin oo dhererkiisu yahay 73 cm una dhashay dalka China ayaa loo doortay ninka ugu jab yar adduunka, waxuuna la kulamayaa sida aad daawaneysaan haweeneyda ugu lugaha dheer caalamka oo lagu magacaabo Svetlana Pankratova  waxayna gaarayaan dhererka lugaheeda ilaa iyo 132 cm oo dherer ahaan aad uga dheer mr Pimpimp oo istaagsan lugaha gabadhan hoosteeda waxaana sawiro looga qaaday iyagoo taagan Trafalgar Square oo ah bartamaha magaalada London iyadoo ay ka muuqatay farxad laga dareemayay wejiyada labadooda, waxaana sawiradan lagu soo daabici doono buugga Guinness World Record ee caalamiga waxaana iyadoo la lasoo xambaaray la weydiiyay sida uu u arko kulankan uula yeeshay gabadhan lugaheedu aadka u dheeryahiin  waxuuna ku jawaabay inay u tahay farxad  iyo reyn reyn  iyadoo codkiisana laga dareemayay inuu yahay ruuxa adunka ugu yar.

Waxaa sidoo kale halkasi iyadoo aad u faraxsan ka hadashay Svetlana Pankratova  oo ah gabadhan lugaheeda aadka u dheer yahiin  oo iyadu isku tilmaamtay inay tahay boqorada lugaha adduunka maadaama lagu qorey buugga Guinness World Record.







Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
                                 Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team.
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com