| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
Warka:
Bayern Munich oo soo xareysatay Koobkii labaad kadib markii ey si fudud kumartay Werder Bremen..Atletico Madrid oo ku guuleysatay Koobka Europa League.Chelsea oo shanta farood ku dhigtay Horyaal Ingiriiska iyo Manchester oo malxiisad u noqotay.Bayern Munich oo ku luqluqatay Lyon Madridna isku diyarineysa.Bayern Munich Oo guul weyn ka gaartay kulankii O.Lyom.Inter Milan Oo dhulka ku jiiday Kooxda Barcelona. Manchester U. Oo Albaabka u garaacday Kooxda Chelsea.Inter Milano oo kala dirtay Kooxda Juventus.Diyaaradahi u duulayay Yurub iyo Canada oo la joojiyay Foolkaano qarxay darteedEmmanuel Adebayor Oo ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay Cayaaraha Caalamigaa.
| Algeria oo Cashar u dhigtay Xulka Ivory Coast |
|
Xulka qaranka Ivory coast ayaa ka haray tartanka qaramada qaarada Africa ee Kubadda Cagta, Xulkaan oo ka mid ahaa kuwa aadka logu saadaalinayay koobkaan loo tartamayo ayaa waxaa cashir layaab leh ku dhigay dhalinyarada Xulka Algeria kulankaan oo katirsanaa wareega labaad ee koobkaan waxeey muujiyeen ciyaaryahannada Algeria kalsooni iyo cayaar wanaag dadweynihii daawanayay ay aad uga heleen. Xulka Ivory coast oo dardar garoonka lasoo galay ayaa kaga naxsaday gool daqiiqadihii hore ee cayaarta laakiin isma dhiibin dhalinta Algeria waxeeyna bilaabeen weerar jawaab calin ah kasoo usuura galay dhamaadka qeybta koowaad in ay cayaarta ka dhigaam 1 iyo 1 sidaa ayaana lagu kala nastay.. ![]() Markii la isku soo laabtay waxaa koox kastaa ey biloowday weerar iyo weerar celis hasa yeeshee waxa marlabaad fursad gool ah helay cayaartoyda Ivory coast laakiin maseexan Algeria waxeeyna bilowday duuulaana cusub oo ey ku baadi goobeyso goolkii bareejada daqiiqadii 90-naad ayeey ku guuleysteen riyadoodi bareejada ama barbardhaca. ![]() Sida sharciga ah waxa lagu daray cayaarta 30-daqiiqo si loo kala saaro labada xul Algeria ayeey usuura gashay in eey hogaanka uqabtaay cayaarta kadib goolkii sadxaad markii ay dhex dhigeen shabaqa xulka Saaxil Caaj ama Ivory Coast cayaartiina sidaa ayey ku soo gaba gabowday guushuna kuraacday Xulaka sanadkaan laga yaabanyahay looguna magac daray maquusta yaasha saxaraha Carbeed waxeyna sugayaan Masar iyo Cameroon tii soo adkaata oo habeen dambe isku dhegan waxaa kaloo lawada sugayaa cayaarta u dhaxeysa Nigeria vs Zambi hadaba webkaan Muuqaal.com kala ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa wararka Koobka Qaramada Africa ee ka socda Angola. Alamtara Axmed Rooble
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
{loadpostion footer}
|














