|
Burcad-badeeda Somalida oo helay lacagtii ugu badneyd abid ee madax-furasho |
E-mail |
|
Kooxaha burcad-badeeda Somalida ayaa maalinkii Axada (17/01/10) helay lacag madax-furasho oo lagu qiyaasay inta u dhexeysa 5.5 ilaa 7 milyan oo dollarka Mareykanka ah kadib markii markab ay ku haysteen xeebaha Somaliya dushiisa soo dub dhigtay lacagtaasi diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helekobter).
Markabka ay burcaddu haysatay oo ahaa mid saliid siday laguna magacaabay "Maran Centaurus" ayaanan wali lasii deynin, waxaana socda qorshihii ooda looga qaadi lahaa maadaama la bixiyay lacagtii madaxfurasho ee ay burcad-badeedu dalbadeen.
Inta aan lacagta madaxfurashada la bixin ayaa waxaa lasoo wariyay in markabkaasi uu ka dhex dhacay isqabsi u dhexeeya kooxaha burcad-badeeda kuwaasoo qaarkood ay ku goodiyeen in ay dab qabad siinayaan gabi ahaan markabkaasi saliida sida.
Maran Centaurus ayaa la sheegay in ay saaran yihiin 28-shaqaale, isagoona sida 2-milyan oo fuusto saliid ah.
Warkan ku saabsan lacagtan aadka u badan ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay xubno ka tirsan dowladda Somaliya iyo hor-joogayaasha burcadda markabka qafaashay.
Horay ayaa waxaa loo baxshay lacago madax-furasho, balse midan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee halmar la siiyo burcad-badeeda Somalida.
Xigasho/Calanka
Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|