Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Ciyaaryahan caan una ciyaara Chelsea oo Gabar Somali qaba (Daawo Sawirada)  E-mail

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Ivory Coast ee weerarka uga ciyaara Kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee dalka Ingiriiska kana mid ah kooxaha caalamka ugu qatarsan Salomon Kalou ayaa la sheegay inuu qabo Gabar soomaali oo degan Magaalada London.

Gabadha Soomaalida ayaa lagu magacaabaa Najax, waxaana ay xayeysiisaa dharka ee Fashion-ka, iyadoo saxaafada Britain ay aad u hadal heyso arrintan oo ah mid warbaahinta ay si weyn uga faalonayeen.

Ciyaaryahan Kalou ayaa horay uga cabanayay waqtiga uu heysta ee nasashada isagoo Hooyadiisa ay korineyso ilaa 8-caruur ah oo ay u badan yihiin Gabdho, waxaana la sheegay inuu jecel yahay cuntada ay kariso Hooyadiis.

Salomon Kalou ayaa hela waqti kooban oo uu kula kulmo saaxibtiis soomaalida ah, waxaana laftigeeda cariiri gala waqtiyada qaar ee ay la kulanto gacaliyaheeda, waxaana iyada qudheeda ka cabataa waqtiyada ay ku jirto howlaha xayeysiinta dharka.

Kooxda Chelsea oo ka dhisan Magaalada London ee dalka Britain ayaa waxaa u ciyaara ciyaaryahano waa weyn oo caalamka caanka ah, kuwaasoo lacago fara badan lagu soo iibsaday, waxaana Kooxda haatan tahay mid hogaanka u heysa Horyaalka Ingiriiska ee EPL.

Gabadhan Soomaalida ayaa noqoneysa gabadhii u horeysay ee la sheegay inuu guursaday Ciyaaryahan ka ciyaara mid ka mid ah kooxaha heerka koowaad.

 

 By C/casiis Golf

 

Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it