| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Fanaanada Luul Jeylaani oo fanka ka fariisatay |
|
Fanaanada caanka ah ee Luul Jeylaahi Cali oo ka mid ah fanaaniinta soomaaliyeed ee taariikhda ku leh bahweynta Fanka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay joojisay oo ay ka baxday fanka, ka dib markii ay go’aansatay in ay mihnadaasi isaga baxdo. Luul Jeylaani Cali waxa ay sheegtay in ay si niyad ah oo daacad ah ay u joojisay fankeeda, illaahey hortiina ay balanqaadeyso in aysan mar kale dib ugu noqon doonin fanka, iyada oo illaahey ka codsatay in uu ka cafiyo dhamaan qaladaadkii ka dhacay intii ay fanka ku jirtay maadaama aadanaha oo dhan ay gafaan illaaheyna uu jecel yahay qofka u soo noqdo oo u towbad keeno. Fanaanada Luul jeylaani Cali oo Wariye C/raxmaan Xudeyfi qadka telfoonka ku wareystay ayaa waxa ay ka codsatay dhamaan Umada Soomaaliyeed, Idaacadaha, iyo Telfeshinada in ay iska joojiyaan sii deynta ama baahinta heesaheeda, maadaama ay fanka ka baxday, waxa ayna ku celcelisay in qof kasta uu ka aqbalo codsigeeda ayna iska daayaan dhageysiga ama daawashada heesaheeda maadaama ay san ogoleyn. Luul Jeylaani waxa ay soo jeedisay in qof kasta uu iska cafiyo iyadana ay cafisay , waxa ay umada Soomaaliyeed ka codsatay in dalkeena loo duceeyo maadaama mudo dheer colaado aan dhamaad laheyn ay ka socdaan, iyada oo ku tilmaamtay waxa socdo in ay yihiin imtixaan tan kaliya ee looga bixi karana ay tahay in illaahey loo noqdo. Ka bixitaanka Fanka ee Fanaanada weyn Luul jeylaani Cali ayaa waxa ay tahay mid ay go’aansatay , waxaana qof kasta looga baahan yahay in uu aqbalo codsigeeda, gaar ahaan idaacadaha iyo telefeshinada iyo website-yada , sidaasi daraadeed waxaanu leenahay Luul ilaahey niyadaada hakuu yeelo . C/raxmaan Xudeyfi/ Xusuus.com
|













