Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Gabar laba madax leh oo ku dhalatay Somalia  E-mail
Waxaa xalay degmada Balan-bale ee gobolka Galguduud ku dhalatay gabar leh laba madax oo isku dhegan iyo afar lugood oo hoose, arintaan ayaa noqotay mucjiso iyo wax lala yaabo maadaama aan horey loogu arag wadankeena Somalia, Xaawo Farax Xirsi oo ah umulisada dhalisay haweeneydan dhashay gabadhaan yar oo u warameysay Muuqaal Online ayaa waxay sheegtay inay haweenaydaan aysan ku dhibtoon dhalmada cunugaan balse ay dhashay cunug mucjiso ah lehna laba madax iyo afar lugood haye ahaatee labada madax mid ka mid ah uusan ahayn mid kaamil ah.

Arintaan ma aha mid horey loogu arki jiray waxayna badanaa ka dhici jireen qaaradda Asia iyo wadanka Mareykanka iyo waliba qaar ay ku dhinteen qaliin lagu kala fujinaayo halka qaar aysanba ahayn kuwa kala go’I karo maadaama uu dhaxeeye xubnaha jirka dhaqaajiya.
 

 

Muuqaal Online.