| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Gabar Maseyr dartiis dabaqa Labaad looga soo tuuray naafana noqotay, |
|
Dhibaatooyinka ka dhasho ama ka yimaada qof maseyrsan ayaa mararka qaarkood waxey sababaan geeri ama caafimaad daro la soo gudboonaata shaqsiga arintaasi la kulma . Hadaba akhristow waxaan maanta idiin heynaa qiso dhab ah oo ku dhacday gabar soomaaliyeed oo dhibaato ka soo gaartay xubnaha danbe ee jirkeeda oo naafo noqday kadib markii sar laba dabaq ah laga soo tuuray. Sheekadan oo ah qiso xanuun badan oo naxdin ku beerta qofkii maqlaa nolosha gabadhan da’da yar ayaa waxey ku bilaabeysaa sidatan. Meeshu waa tuulada masaajid cali gaduud 55 km ayey dhinaca waqooyi ka xigtaa degmada cadale ee gobalka shabeelaha dhexe waa dhul bacaad guduud ah leh waxaan booqasho gaaban ku tagay halkaasi waxaan kula kulmay gabadha ay ku dhacday qisadan yaabka leh oo aan maanta idin soo gudbinayo.
Sacdiyo cabdule xasan waa 22 jir ku nooleyd magalada muqdisho waxey soo martay nolol raaxo leh waxey nasiib u yeelatay in ay guursato si mustaqbelkeeda ay u hanato nasiib daro waxey dhexda ka gashay nolol mugdi ah waxaa hal mar burburay hamigeedii dumarnimo ,niyada ayey ka jabtay waxaana alle qadaray in naag maseyrsan ay sar laba biyaano ah ay ka soo tuurto xili maqribnimo ah oo aan cidi la joogin.xiligaa sacdiya waxey laheyd uurkeedii kowaad kaasina ma noqon mid nolol ku dhasha . Sacdiya laga bilaabo dhabarka ilaa lugaha ma oga in ay ku yaaliin,wax dareen ah malahan,xitaa hadiii midi lagu jarjarayo,ogaal uma laha marka suuliga ay u baahato,waa la qaadaa waa la dhigaa,qaar hore ee jirkeeda waa ruux caadi ah ,hadii bahal uu ku soo socdo sacdiya kama carari karto ,waa maqaadiir ilaah waxey la nooshahay habaryarteed oo aan dhaqaalo laheyn ,ma hesho gacan hoose sacdiya iyadoo intaas oo dhib ah iyo in kasii badanba heysata hadana waa qof iimaan leh oo rumeysan qadarta alle. ![]()
Siciid Xagaa Afrax Muuqaal Online |













