| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Gariigga iyo Buufiska Soomaalida |
|
Magaalada Athens ee dalka Greece oo Soomaalida ay qaab Tahriib kaga soo galaan dalka Turkiga ayaa noqotay magaalo ay ku soo badanayaan dhalinyaro isugu jirta rag, haween, waayeel iyo caruur, kuwaasi oo silic ku soo gala dalkaasi Greece-ga. Xaafada Amounia oo ka tirsan magaalada Athens ayaa waxaa ay noqotay hoyga dadka Madow, taasoo keentay in wado ka mid ah xaafadan lagu magacaabo Black street, waxayna xaafadaasi Booliska Greece ay ka aaminsan yihiin in ay tahay hoyga daroogada, sababtuna waxay tahay iyadoo ay ku badan yihiin dadka Madow ee dalalka Afrika ka soo haajiray oo muqaadaraadka si aan qarsooneyn ugu iibiya wadooyinka, waxayna taasi keentaa mararka qaar in Booliska uu abaaro dadka madow ee soo haajiray dalkuu doono ha ahaadee.
Dadka ayaa ah kuwo doonaya inay u haajiraan Dalalka horay maray ee Yurub, waxayna mar walba ku sheekeystaan qaabka ugu salhan ee ay ugu bixi karaan Greece, iyadoo goobaha lagu shaaho iyo wadooyinka ay ugu hadlayaan bixitaanka dalkan iyo wixii markaasi Rabi u fududeeyay iney ka baxaan. Waxaa jira Muqalasiin Soomaaliyeed oo ka yimaada dalalka Scandanavian la isku yiraado kuwaasi oo keena Dukumentiyo dad kale iska leh, kadibna ka sii iibiya dadka doonaya iney ka baxaan dalka Greece, kuwaasi oo laga qaado lacago fara badan. Haweenka iyo dhalinyarada ayaa u badan dadka ay madax martay Yurubta horay martay sidii ay ugu noolaan lahaayeen, waxaana dhalinyaradaasi ay sheekadoodu noqotay “Hebel Wuu baxay, Shabax ayuu helay” oo macnaheedu tahay wuxuu helay Paasaboor u eg, intaasi oo dhan marka laga yimaado waxaa cajaa’ib ah ama wax lala yaabo Soomaalida oo noqotay dad laga bartay Garoonka diyaaradaha ee laga baxo Athenis. Aqristayaasha waxaan u balan qaadayaa in Qormooyin kale oo ka hadlaaya qaabka tahriibka iyo dhibaatada loo soomaro imaanshaha Yurub dib ayaan ugu soo gudbin doonaa hadii Alle yirhaado. Cali Muxiyaddiin. |

Soomaalida ku nool Amounia ayaa ah dad aan inta badan shaqo ku laheyn daroogada, hase ahaatee qorshaha ay dalkan ku soo galaan ayaa ah in ay ugu sii gudbaan si fudud dalalka kale ee Yurub oo ay door bideen in ay ku noolaadaan.










