|
Hay’adda sirdoonka UK oo Soomaali ugu hanjabtay inay xoog ugu shaqeeyaan. |
E-mail |
|

MI5 oo ah hay’adda sirdoonka UK ayaa waxay u hanjabtay shan wiil oo Soomaali ah haystana dhalashada British-ka, iyadoo shantooduba ay gooni gooni ula kulmeen sarkaal ka socda sirdoonka waxa uuna u sheegay inay u shaqeynayaan sirdoonka iyagoo fulin doonaa howlaha basaasnimo oo ay kaga baahan yihiin muslimka ku nool UK waxayna codsan kartaa shaqada ugu sareeysa Security Service waxaana loo raaciyay haddii aadan qaadanina shaqadaan waxaa halis ku jira nafsadiina iyo tan qoysaskiina ayaa loogu hanjabay dhaliyaradaan Soomaaliyeed.
Maxamed Aadan (Sawiran) oo ah 25-jir ku nool xaafadda Camden ee London ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii ay dhibaatadaan waafaqday waxa uuna u sheegay jariirada Independent ee kasoo dalka UK inuu u yimid nin iska soo dhigay Postaale (Postman) oo ka mid ahaa hay’adda sirdoonak MI5 wuxuuna u sheegay inuu culeys ka saari doono safaradiisa ismala markaasna ay wargelin doonaan wadamada uu aado inuu yahay mid lagu tuhunsan yahay argagaxiso.
Arintaan ayaa waxay yaab ku noqotay dhamaan Soomaalida degen UK oo qalqal gelisay safarada ay ku aadaan banaanka, sidoo kale qoysaska dhalinyaradaan ayaa walaac weyn ka muujiyay hangabaad kaga timid hay’adda sirdoonka oo noqon karta mid halis gelisa iyaga iyo caruurtoodaba balse waxay qoraal cabasho u gudbiyeen saldhigyada booliska ee xaafadahoosa iyo wakiilka baarlamaanka u fadhiya xaafadooda si loo baaro waxa sababay arinkaan.
Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|