| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Ii sheeg ninkaan faqiirka ah sidee buu kuu qabi karaa? |
|
Waxaan ku dhashay deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeeladda dhexe sanadkii 1985-kii. Waxaan kusoo barbaaray magaaladda Muqdisho, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Mucaad Ibnu Jabal oo ku yiilay degmada Kaaraan. Intii aan waxbarashada ku guda jiray, waxaa isfahan iyo kaftan wanaagsan naga dhaxeeyey Salma. Salma waxay aheyd gabar uu dhalay adeerkey. Aniga Salma waxaa isla soo qaadanay waqti dheer, xilligaas muusan naga dhaxeenin wax jaceyl ah, balse labadayaduba waxaan aheyn dad is gaad-gaad uun ka dhaxeeyo. Waxaan la dhacay sheekadeeda, wanaagaeedii faraha badnaa ay i heysay. Xaqiiqdii Salma waxay hanatay qalbigayga oo dhan, taasoo ay ugu wacan tahay wanaageeda faraha badan. Mudo kadib Salma waxa aan u soo bandhigay caashaqii aan u qabay. Hadal iyo xishood iyo waan ka soo fikiri doonaa intaba maysan igu dhihin oo waa ay i soo dhaweysey. Waxaan isla qaadanay jaceyl wanaagsan iyo sheeko macaan. Wax yaabaha ay igu hanatay waxaa kamid ahaa: Waxay aheyd gabar aanan ka caajisaynin oo sida shaah oo kale i qaban jirtay. Waxa kale oo ay aheyd gabar aan waayey qof aan u dhigo. Jaceylkii naga dhaxeeyey waxa ka war helay waalidiinta Salma oo ahaa kuwo ka dambeeya, daneeya oo kliya lacagta. Salma waxaa la dhashay caruur fara-badan, kuwaasoo ku kala nool qaaradaha, Amerika, Yurub iyo Australia. Sidoo kale Salma waalidiintayda waxay ahaayeen kuwo lacag fiican ku fadhiya, waxay aad uga caroodeen la socodkii ay ila socotay. Salma waalidiinta dhalay waxa ay noqdeen kuwo hadalo xun xun had iyo jeer ku dhihi jiray, iyagoo igu sheegi jiray ama igu tilmaami jiray in aan ahay ruux faqiir ah oo aan waxba haysan. Oraah walbo oo ay Salma waalidiinteeda ku dhahaan waxay aheyd mid ay mar walba i soo gaarsiin jirtay. Waalidiintii dhalay Salma ayaa waxay ku sasabeen in ay faraha iga qaado, haddii ay taasi yeeshana loo diro doono wadamada reer galbeedk. Balse Salma maysan aheyn qof waxaas oo dhan u muuqda, waxa kaliya ee u muuqda waa galkacaylka ay i qabto. Waan yaabanahay waxa aan isleeyahay maxaa adeerkaa iyo eedadaa kuugu diray, sababtu maba garaneyn. Xaalka marka aanu bixin weynay ayaan tashanay. Waxaana go’aan buuxda ku gaarnay inaan is mahersano weliba si hoose, ileen waxaanu nahay dad isjacel lana isku diidaayo. Sidii ayaan yeelnay oo waanu isa soo mahersanay. Meherka kadib waxa aan ku heshiinay in aanan sheegin wax walbo oo ay nagu qaadato. Waxaan isqabnay 5 bilood. Tuhunkii nalaga qabay ayaa batay oo wuxuu noqday oo wuxuu isku shareeray cirka. Odayga dhalay Salma ayaa wuxuu ahaa mid yaqaano lacag uun balse aanan laheyn wanaag iyo tolnimo. Wey dhici kartaa in dadka qaar la isku diido, weliba qaab qabiil, balse aniga maxaa leegu diiday? Waxa aan ahay wiilkoodii, waxa aan ahay nin ay isku meel kasoo wada jeedaa, waxa aan ahay nin ay isku dhiig yihiin. 25 cesho kadib waxa aan ka war helay in Salma lagu xiray xabsiga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne. Welibana laga xiiray timaha oo dhan. Anigoo iska careysan, talo oo dhan ay igu xun tahay ayaan u sheegay adeeradey oo dhan. Balse maanan u sheegin inaan isqabno. Waxaa dhacday in ay adeeraday u tagaan odayga, balse odaygu maaha nin waji iyo tol yaqaana. Waa nin yaqaano uun lacag. Adeeradey ayaa igu dhahay: Waxa aan u sheegay adeeradey inaan qabo Salma, una baahanahay maadaama ay tahay xaaskayga. Adeeradey ayaa igu yiri: Waxan u tagay sheekhii i sameeyey warqadii maherka. Aniga iyo adeeradey ayaa u tagnay odayga Salma dhalay. Balse waxa uu noogu jawaabay: Xilligaas waxaa magaaladda muqdisho si deg deg ah ku soo gaartay Salma hooyadeed oo markii hore ku maqneyd magaaladda Nairobi. Halkaas oo u uga socday dacwad ay ku tagi laheyd dalka Ingiriiska. Waxa ay tagtay xabsiga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, waxa ayna ka soo sii deysay Salma oo ku jirtay ku dhawaad 3 bilood. Durbadiiba Salma hooyadeed iyadana dhankeeda ayay dagaalka kasoo gashay, iyadoo odaygeeda ku taageertay inaanan guursan karayn gabadhooda. Waxaan Adeeraday iyo Salma odayga dhalay u keenay warqadii originalka aheyd ee cadeyneysay maherkayaga. Si kastaba ha ahaatee waxay iigu jawaabeen gabar kale ayaad soo mehriseen oo magacana Salma ayaad ka soo dhigteen. Adeeradey waa ay yaabeen, afkii ayaa kala tagay, talo oo dhan ayaa nagu wada xumaatay. Salma hooyadeed ayaa waxay tiri: Hada waxaan ku suganahay xaalad adag iyo dhibaato tii ugu darneyd. Waxa aan sameeyo garan maayo. Dabcan qof walba waa uu dareemi karaa arintaan oo kale xanuunka ay leedahay. Anwar oo ka sheekeynaayey dhacdadii xanuunka badneyd ee qabsatay ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyey. Hassan Abdi Hersi Muuqaal Online |













