| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Kismaayo oo lagu xiray rag shukaansi iyo khudbu sireed lagu helay. |
|
Ururka Alshabaab ee gacanta kuhaya Magaalada Kismaayo ayaa weli waxa ay wadaan hawlgallo ay kusheegeen in dhinaca Anshaxa ay wax kaga qabanayaan. Waxa ay soo qabteen dhalinyaro shukaansi ku jirtay iyo kuwa kale oo haween ku qabay waxa loo yaqaan Khudbo sireed oo ah Arooska aanan sida weyn loo shaacin ee sida hoose la isku guursado. Hadaba dhalinta lagu soo qabtay khudbo sireedka ayaa waxaa lagu qaaday xukunka Alshabaab ee Magaalada Kismaayo ay u dejiyeen kaasi oo ah karbaash in lagu dhufto, waxaana lasheegay in uu qabay gabadha uu khudbo hoosaadka kuguursaday muddo labo bilood ah lakin iminka ayaa laga furay gabadhii. Sidoo kale wiilka lagu soo qabtay shukaansiga isaga oo kujira ayaa isna lagu qaaday xukunka, waxaana lagu dhuftay xukun karbaash ah inkastoo uu cadeeyay in gabadha uu mustaqbal ka leeyahay dhaarna uu ku maray in uusan waligiisa gacantiisa saarin. Maamulka Kismaayo ee Alshabaab ayaa waxa ay horey u sheegeen in wax waliba oo ay u arkaan anshax xumi ay kahor tagi doonaan isla markaasina dadkii ay kusoo qabtaan xukun ay ku qaadi doonaan. Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Kismaayo ay kasoo qab qabteen rag fara badan oo lagu xukumay 3-maalmood oo xabsi ah iyo karbaash, waxaana lagu heystay keliya garka in ay xiireen taasi oo wakaaladaha caalamka ay si layaab leh wax uga qoreen kuna soo camiray warkaasi bogagooda hore qeybta layaabka.
|













