Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Muftigii Ugu Horeeyay Soomaaliyeed Oo Shahaaddo lagu gudoonsiiyay Masar.  E-mail

Xaflad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Mufiga dalka Masar Sheekh Cali Jumca ,Culumaa udiin ka tirsan Daarta Fatwada (Daar el Iftaa) iyo Ardeyda Islaamka ee wax ka barata dalka Masar ayaa maanta lagu qabtay xarunta fatwada ee wadanka Masar waxaana Shahaadao lagu gudoonsiinayay sheekh Cabdulqadair Xaaji Maxamuud oo ah ardaygii ugu horeeyay ee somaaliyeed ee ka qaata shahaado dhanka fatwada ee diinta Islaamka wadankan Masar .
 
Sheekh Cabdulqadir Xaaji Maxamuud oo ka qalin jabiyay Jaamacada Al-Azhar sanadkii 2005-tii qeybta sharciga iyo qaanuunka ayaa daarta wax ka baranay mudo dhan sedax sanadood asigoo ka qaatay takhasuska fatwada diinta Islaamka iyo qaabka loo baaro maraajicda marka la fatwoonayo waxuuna ku guuleystay maanta in uu noqdo Sheekh fatwa ka bixin kara diinta Islaamka qeybaheeda kala duwan asagoo qaatay sanadihii uu dhiganayay daraasadan tababar dhanka fatwada ah markaasoo had iyo jeer masa'alooyin ku saabsan diinta Islaamka loo diri jiray inuu fatwo ka bixiyo Mas'alooyinkaa oo u badan kuwa maskaxda bini aadanmka ku soo dhaca had iyo jeer una baahan fiqiga casriga ah madaama caalamka waxbadan ay iska badaleen.
 
Xafladan ayaa waxaa ka hadlay Muftiga dalka Masar oo ku dheeraaday amaan uu amaanayo Sheekh Cabdulqadir iyo dadaalkiisa ku aadanaa fatwada iyo sida quruxda badan ee waafaqsan sharciga islaamka uu oga jawabi jiray mas'alooyinka la waydiiyo had iyo jeer intuu uu qaadanayay daraasada. Dr: Cali Jumca ayaa u hambalyeeyay Sheekh Cabduqadir asigoo ku booriyay inuu dalkiisa wax ka qabto madaama Somalia ay u baahantahay ruux diinta si wanaagsan u bartay oo lamid ah sheekh Cabdulqadir fahmi karana fiqhil mucaasirka caalamka Islaamku ay ku kala saaraan dhanka diinta.
 
Intaas kadib ayaa Sheekh Cabdulqaadir la siiyay kalimo asigoo ku hadlayay magaca dhamaan Culumaa'udiinkii ka qalinjabiyay daarta fatwada ,Culumaa udinkan oo u badnaa kuwa kayimid caalamka Islaamka kuna qaadan jiray daraasdan iyo tababar dhanka fatwada ah dalka Masar , Sheekh Cabdulqadir ayaa u mahad celiyay
dowlada Masar oo siisay fursadan qaaliga ah. Waxuuna ka hadlay fatwada iyo ahmiyada ay u leedahay umada Islaamka guud ahaan .
 
Sheekh Cabdulqadir Xaaji ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu umada Soomaaliyeed ee ku kala nool dunada dacaladeeda ka haqabtiro dhanka fatwada iyo masalooyinka ay u baahanyihiin in ay wax ka ogaadaan diinta waxa ay ka qabto, ayadoo ay ku bateen maalmahan Soomaalida dad fara badan ee aan waxba ka ogayn diinta ee dadka u fatwooda wax walbo ay waydiiyaan taasna Nabigeyna NNK ayaa noo sheegay in ay aakhiri samanka ay imaan doonaan dad wax walbo ee la waydiiyo fatwoonaya kuwaas waxuu dhahay Nabigu way dhunsanyihiin dadkana way dhumi nayaan .
 


Gaban gabadii Xafladan ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan ayadoo ay jaaliyada Somaaliyeed u wada habalyeeyeen Sheekh Cabdulqadir oo ah Sheekhii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee ka qaata shahaado fatwada ah dalka masar.



Daauud Cali Sheekhnuur
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it