Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Nin Jalbaabyada ku kireeyn jiray Balcad oo Wanted u noqday Al-shabaab.  E-mail

Ninkaan oo lagu Magacaabo Calas Baakoor ayaa waxaa waayadan dambe uu kireyn jiray Jlabaabada waaweyn ee Nooca isku dayska ah kadib markii ay Maleeshiyooyinka Ururka ALshabaab ee haysta deegaana Shabeellaha Dhexe gaar ahaan balcad soo rogeen amar ah in dumarka halkaas deggan ay xertaan noocaas jalbaabka ah oo qiimahiisuna lagu sheegay ilaa 600 kun shilin Somali ah.

Calas oo in muddo ahba kireynayay jalbaabada ayaa sheegay in arinkan uu yimid ka gadaal markii uu arkay baahida loo qabo Jalbaabada noocas ah oo aysan iibsan karin dadka balse marar qaas ah ee loo baahdo laga soo qaadi jiray si loogu soo deeyo haweenka u xiran Jalbaab la'aanta waxaana uu markii qaadan jiray lacag gaareysa ilaa 150 kun Shilin Somali ah waxa kaloo uu ka kireyn jiray dumarka marka ay aadayaan goobaha ay Al-shabaabku u dhawyihiin, iyo haweeneydii u baahan bedel.Balse waxaa arinkan maqlay dhaqdhaqaaqa Alshabaab saraakiil ka tirsanaa taasoo dhalisay in Calas Baakoor weerar gaadmo ah lagu qaado gurigaasi balse nasiib wanaag uu xiligaas ka maqnaa gurigiisa laakiin ay gacanta ku dhigeen ilaa 380 Jalbaabyo kala duwan ah oo numbero iyo kalaro kala duwan iskuugu jiray kuwasoo qaarkodna watay indhashareero iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Xaawo Macalin Yare oo xiligaas guriga ku sugneed waxeyna ku handadeen inay sheegto halka uu jiro ninkeeda balse waxey ku adkaaysatay inaysan garaneyn.

Sarkaal u hadlay Ururka Al-shabaab ee  Balcad ayaa sheegay in hadii la qabto la horkeeni doono maxkamad lana marsiin doono shareecada waxey ka qabto ayagoo sheegay inuu ninkaas ahaa nin aan iibin balse kireeya mana ahan bay yiraahdan in lagu baxsado kaliya Jalbaabada ee waa in loo qaataa sida go,aanka aanu usoo rognay sidoo  kale waxey ku eedeeyeen ninkaa in nin jalbaabada laga soo kireeyo lagu soo daayay haween badan oo ay xerteen balse markii ay gurigooda imaadan dumarkani loo soo noqo isagoo ka qaadi jiray kistiisa yar, waxeyna ka digeen cidii kale ee fara la gasho howshaan oo uu bilaabay Calas Baakoor oo ay ku tilmaameen Bussiness ama ganacsi haleeysan.


Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it