| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Obama oo guddoomay Nobel Peace Prize |
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa guddoomay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel peace prize, xaflad ka dhacday magaalada Oslo ee caasimadda Norway.Khudbad uu halkaasi ka jeediyay ayaa Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, laakiin ay jiraan dad kale oo aad uga mudnaa. Mr Obama ayaa sidoo kale ka hadlay labada dagaal ee waddankiisu hadda ku dhexjiro, isagoo yiri waxaan dareensanahay dagaal waxa uu yahay. Madaxweynaha ayaa dhawaan waxa uu ku dhawaaqay in 30 kun oo ciidan dheeraad ah uu u dirayo waddanka Afghainstan. Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa waxaa abaalmarinta uu ku muteystay waxa ay qabanqaabiyeyaashu ku tilmaameen dadaalkiisa aan caadiga ahayn ee uu ku xoojinayo diblomaasiyadda caalamka. Xigasho BBC This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa guddoomay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel peace prize, xaflad ka dhacday magaalada Oslo ee caasimadda Norway.










