| Home | News | Sports | Layaabka Dunida | Sheekooyin | Contact | Videos |
| Qabuuro Ku yaalla Hargeysa oo Qeylo iyo gariir looga kala cararay |
|
Maamulaha Dugsiga Al-Baraka oo u waramay Waaheen ayaa sheegay in markii ugu horaysay ay qayladan ay maqleen arday ku ciyaaraysay meel u dhaw xabaasha kuwaas oo iyagoo argagaxsan u soo tabiyay macalimiinta iyo ardayda oo ku dul xoomay xabaasha, oo mar kale sida la sheegay qof dumar ahi ay ka dhex qaylinaysay mararka qaarna la maqlayay qaylada qof rag ah. Xabaashaas ayaa la sheegay intii aan qaylada la maqlin in marka hore la dareemayay gariir iyo guux ka dibna qayladu ay soo baxaysay, taas oo xitaa ay ku soo jabeen dadweynaha xaafadaas degan ee la jaarka ahaa xabaalaha. Dugsiga ayaan lahayn wax deyr ah balse maamulka ayaa sheegay inay isla maantaba bilaabayaan inay deyr ku wareejiyaan dugsiga. Ardayda dhiganaysay dugsiga ayaa sida ay macalimiintu ay ku warameen orod miciinsaday mar labaadkii markii ay xabaashu gariir iyo qaylo ku dhufatay, iyagoo qaar badan oo ka mid ahi ay sas ka qaadeen dhacdadaa naxdinta leh ee ay indhahooda ku arkeen. Dadka degan xaafadaha la jaarka ah xabaasha ayaa sheegay in xabaasha lagu aasay dhawaan qof dumar ah. Dhacdadan ka dib waxa dugsiga ku soo xoomay waalidka dhalay ardayda kuwaas oo maamuluhu u xaqiijiyay wixii meesha ka dhacay, waxaanay waalidiin badan oo ka ka mid ah dadkaasi ay rumaysan waayeen dhacdadan naxdinta leh ee caruurtoodu u tabisay ilaa ay dhagahooda ku maqleen qiraalkii maamulaha dugsiga oo ku tilmaamay inay ahayd dhacdo amakaag iyo argagax ku riday dhamaan intii goob-jooga ahayd, waxaanu ku taliyey in ardayda laga ilaaliyo xasuusta arrintan maadaama oo ay noqon karto mid dhaawac ku reebi karta maskaxdooda. Wariyayaal ka tirsan Wargeyska Waaheen oo tagay Xabaashaas ayaa ku soo waramay in wakhtigan wax qaylo iyo gariir toona ah aan laga maqlayn xabaashaa. Waxa sanadkii laga soo gudbay la arkay xabaal sida la sheegay uu qiiq ka baxayo, taas oo markii danbe lagu sheegay inay ka danbeeyeen sheekadeeda dad aan masuul ahayn, balse arrintan ayaa ah mid marka laga tago ardayda; macalimiintii iyo dadweyne faro-badan oo markaas goob-joog ahaa ay xaqiijiyeen in qayladan oo ay ku tilmaameen mid naxdin iyo argagax wadatay ay maqlayeen, waxaana ku qulqulayay xabaalahaas tobonaan ka tirsan dadweynaha xaafada Jigjiga-Yar iyo dadweyne kale oo xaafadaha magaalada ka soo kicitimay oo raba inay indhahooda ku soo arkaan xabaashaas. Source: Waaheen/XusuusMuuqaal Online
|

Xabaalo ama qabuuro ku yaala agagaarka Dugsiga Al-Baraka ee duleedka Galbeed ee magaalada Hargeisa ayaa shalay barqadii ay argagax iyo cabsi ku riday ardayda dugsigaas dhigata ka dib markii la maqlay qaylo iyo sawaxan naxdin leh oo ka dhex yeedhaya mid ka mid ah xabaalahaas, oo mararka qaar wadata guux iyo gariir laga dareemay agagaarka xabaasha.










