Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Sidee bey u ciideen Soomaalida Qaahira.?  E-mail

Dadweyne Soomaaliyeed oo gaaraya boqolaal ayaa waxa ay maanta walaalahooda Muslimka ee ku nool dalka Masar kula  tukadeen Salaadda ciidul Fitriga goob fagaara ah oo lagu iibiyo Baabuurta laguna magacaabo Dubu Ramly  halkaasoo ay kamuuqatay farxad ayna iskugu hambalyeeyeen Munaasabaddan qaaliga ah Waxaana Maanta lagu arkayay halkaasi inta badan Ardayda iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qaahira iyo waliba Caruur ay ka muuqatay farxad iyo damaashaad.

Soomaalidii iskugu timid goobta  ayaa waxey midba midka kale uu usheegayay sida uu u rajeynayo qeyrka iyo inay Umadda Soomaaliyeed hesho Nabad Sanadka xiggana ay si qurxoon oo amni ku jiro ugu ciidaan dalkooda oo haatan xaaladiisa ay aad u xuntahay waxeyna Ilaah ugu baryeen inuu kusoo dabbaalo cadaalad iyo nabad waarta.

Somalida ku nool Masar ayaa lagu qayaasaaa in ka badan 5 kun qofood waxaana ay inta badan ku tukadaan fagaarahaan oo ku yaala Madiinati Nasr qaasatan xaafadda Xayil Caashir, Dhanka kale waxaa si weyn ay isugu soo baxeen Soomaalida Meelo kale oo hoos yimaada Qaahira sida 6 October ayagoo ku tukaday salaadda Masjidka Khaliil Xusarry oo loogu magacdaray Caalimkii codka macaana ee Qur'aanka iyo sidoo kale xaaffadda Al-rixaab ayaa si weyn looga dabaaldegay munaasabaddan qiimaha badan ee Ciidul Fitriga. Waxaana la  arkayay caruurta oo si xowli ah ugu qulqulaya goobaha lagu cayaaro  ee carwooyinka sida Dreampark iyo goobo kale oo loo damaashaad tago.

 

 

Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it