Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Soomaalida Masar oo su quruxbadan u xusay 1-da Luuliyo.  E-mail

Xafladdaan lagu maamuusayay maalinka Munaasabbada 1 da Luuliyo oo maalinta ay xornimada dalka Soomaaliya ay qaadaay 1 dii Luuliyo ee  1960 kii, kana soo  qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Masar oo uu horkacayay safiirka Qaahira u fadhiya Somalia Danjire Cabdullahi Xasan Maxamuud, Jimciyadda Africa ee Masar, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ka tirsan dowlada Kumeelgaarka laguna magacaabo Yuusuf Ceynte, Gudoomiya  Naadiga Ardayda Soomaaliyeed,  ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka weyn ee Naadiga dhalinyarada ee Aljazeera ee ku yaala bartamaha Magaalada Qaahira waxaana xafladda oo ahaa jawigeedu mid aad u deganaa ay aheyd mid aad u sareysay shuxuurta dadkiii kasoo qeybgalay waxaana hadalo qiimo badan ka jeediyay halkaas Safiirka Soomaaliya ee dalkan masar Mudane C/llaahi Xasan oo ku dheeraaday taariikhdii iyo halgankii adkaa ee loo soo galay Xurnimada aynu maanta hiigsaneyno asagoo xusay dagaalkii lagu huray naf iyo maalba ee lala galay gumeystahii dalka haystay xiligaas waxaana safiirku uu waano iyo baraarujin u diray kooxaha maanta dalka ka wada dhibaatada asagoo shacabka soomaaliyedna meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay Munaasabadan Qiimiga weyn.

Waxaa sidoo kale ka halday xafladda  Xildhibaan Yuusuf Ceynte oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka asagoo ka dhawaajiyay taariikhdii raggii SYL ee dadaalka xoogan u galay xurnimada inay hesho Soomaaliya waxuuna sheegay inay nasiib darro noqotay in qaar ka mid ah SYL ay gaajo ugu dhintaan dalka ayagoo rajeynayay inay heli doonaan nabad iyo xoriyad ay la wadaagaan dadkoodii waxaana uu sheegay Dr Ceynte inay jirto wali wax  lagu tilmaami karo gumeysi doon asagoo markaas ula jeeday kooxaha Dagaalada ka wada dalka ee kula jira dagaalada dowlada Midnimada qaran  oo uu sheegay xildhibaanku inay tahay mid loo dhanyahay waxuuna ugu dambeyntiii ka codsaday dadkii iskuugu yimid xafladda inta ogoli inay la dagaalamaan oo nabad kusoo dabaalaan dalka ay gacanta taagaan iyadoo gebi ahaanba dadkii ay gacmaha wada taagen waxuuna ku booriyay dhalinyada inay wax u bartaan dalkooda ayna kusoo laabtaan beri asagoo intaa kadib ka codsaday kasoo qeybgalayaasha inay u duceeyaan kuwa qalalaasaha ku wada qarankii Soomaaliyeed.

Mas'uuliyiintii ka hadashay goobtii xafladda ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar Mudane C/naasir Cumar Cismaan oo sheegay in maalintaan ay qiimo weyn u leedahay shacabka Soomaaliyeed uuna u hambalyeeynayo dhamaan umad weynta Soomaaliyeed asagoo ku dhiirigaliyay ardayda inay Dalkooda wax taraan berito waxuuna mahad u jeediyay marti sharaftii kasoo qeybgashay xafladda oo isgu jiray dhinacyada kala gedisan ee jaaliyada. waxaana lagu soo dhaweeyay sidoo kale Microofanka Mudane C/qaadir Xaaji oo ka mid ah Aqoonyahannada wax ka bartay dalkan Masar asagoo waano iyo talooyin wanaagsan usoo jeediyay Umadda Soomaaliyeed qaasatan kuwa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, gunaanadkii ayaa waxaa hadal soo jeediyay sidoo kale Xoghayaha guud ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Masar Mahad Maxamed Salaad oo erayo qiiro leh kaga dhawaajiyay goobta waxaana markii lasoo gaaray 12:00 habeenimo calanka laga saaray goobta iyadoo dadweynahii kasoo qeybgalay munaasabadda ay wada istaageen ayagoo si qiiro badan ay ka muuqata isku wada qaaday Soomaaliyeey Tooosoo...Toosoo Isku tiirsada....hadba kiina taagdaranee taageera waligiinee.

 

Waxaa xusuus mudan sidii qosolka iyo farxadda aan lasoo koobin karin ay u madadaaliyeen kasoo qeybgalayaasha Fanaaniinta reer Qaahira oo halkaas kusoo bandhigay Hees, Gabayo, Ruwaayad,buraanbur iyo murti kala gedisan, sidoo kalena waxaa goobta laga dhex arkayay Saafifilms, Dayniile, Universal TV.iyo BBC-da oo usoo tabinayay Abukar Maxamed Cabdi Boston.



 

Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it