Home  |  News  |  Sports  |  Layaabka Dunida  |  Sheekooyin  |  Contact  |  Videos
Wiil uu dhalay Qadaafi oo Lagu xeray Dalka Ingiriiska  E-mail

Waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu xeray Wiil uu dhalay Hogaamiyaha Libya Mucamar Alqadaafi laguna magacaabo Xanibaal Qadafi kadib markii uu Garaacay xaaskiisa Aline Skaf oo ah gabar dharka xayeysiisa una dhalatay dalka Lubnaan xili ay dalxiis ku joogeen iyada iyo caruurtooda Hotel ku yaala Magaalada london, waxaana lagu soo waramay in dagaal uu dhexmaray lamaanaha xili habeen barkii ah sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Police-ka ayaa katiineeyay Ina Qadafi sida ay sheegtay safaarada Libya ee Uk, kadibna gaari Ambullance ah saaray xaaskiisa Miss Skaf si loogu soo daweeyo isbitaalada gudaha kadib markii ay uu dhaawacyo ka gaarsiiyay wajiga balse ay waxey  u sheegtay Poliiska inay ku dhacday dhulka kadib markii sirirqatay laakiin aysan aheyn garaafo kaga timid dagaalka ninkeeda. waxaana sidoo kale lala xiray Xanibal ilaaliyaashiisa gaarka ahaa kadib markii ay iksu dayeen inay isku taagaan Boliiska Ingiriiska balse xoogaa kadib asii daayay maadaama ysan geysan dambi.
Afhayeen Hadlay Poliiska UK ayaa sheegay inay heleen taleen soo waay 1: 25 am habeenimo iyadoo lagu wergiliyay in dagaal uuka socdo Hoteelka Clarige ee wadada Brook Street W1, iyadoo isla markiiba ay gaareen goobtaas Poliiska iyo gawarida Ambullance-ka, halkaasoo laga qaaday xaaskiisa oo wejigeedu dhaawacyo ku yaaleen loona qaaday Isbitaalka, Waxaana sidoo kale la xeray 3 qofood oo lala xeriirinayay Arinkaas lana sheegay in la dhigay Saldhigga dhexe ee Boliiska London.

Xanibaal ayaa ah nin  arimahaan qalalaasaha ku caan noqday waxaana lagu eedeeyaa inuu fowdo ka kaciyo meesha uu booqanayo iyadoo hore dalal Yurub ah ay ku eedeeyeen inuu si xun ula macaamilo dadka Hoteelada ka shaqeeyo, inuu gaariga ku wado xawaare ka mamnuuc ah wadooyinka waxaana ay boliiska talyaaniga rasaaseeyeen mar uu dambi ka galay dalkaasi dhawaan.

Muuqaal Online,
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it