|
Xulka Masar oo soo taabtay fooqa sare ee Carshiga Africa markii sedaxaad oo isku xigta |
E-mail |
|
Xulka kubada cagta dalaka Masar ayaa wacdara layaable kadhigay tartanka qaramada qaarada Africa kadib markii ey shanta farood ku dhigeen Koobkan markii 3aad oo isku xigta. Skoorkan ayaan weli kadhicin inta la ogyahay tariikhda koobkaan oo bilowday1957- kii..
Xidigaha faraacinada oo ku guul dareystay in eey u soo baxaan Koobka Aduunka ayaa muujiyay in ey mudanyihiin ama ey u qalmaan kaqeybgalka koobka Aduuka laakiin nasiibku kahiiliyay hasa yeshee waxey isku qanciyeen in eey garaceen 4 Xul oo umataleysa koobka duunka qaarada Africa.
Cayaaryahanka ugu taariikhda dheere Xulka Masar waxaa noqday Xidiga qadka dhexe Ee Nadiga Al Ahli iyo Xulka Egypt Ahmed Hasan Oo Kabtan u ahaa xulaka sedaxda sano oo ey ku guuleysanayeen Cup of Nations Asigoo markii ugu dambeysay kafara maroogistay Xulka Ghana hortoodana kula caweeyay…

Dalka Masar ayaa sanadkaan Tariikh cusub kadhigay qaara madow ka dib markii ey ku guleysteen dhamaan biladihii loo tartamaayay sida Tababarihii ugu wanaagsanaa oo loo doortay Xasan shaxata gool dhaliyihii ugu qatarsanaa gado ayaa ku guuleystay iyo weliba boortihii ugu fiicnaa oo si xarakale uu jeebka uguritay Cusaam Xaddari Xidigaha Xasan Shaxaata ayaa lafdhuungashay ku noqday qaarad afrika kadib markii ey dhadhantireen Koobka Faca weyne Cup of Nations..

Xidigahaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Dalka Egypt iyagoo xadreynayaa kuna shaacireynaaya Koobkii 7-aad oo ey ka soo daadihiyeen Dalka Angola waxaana ka qeybgalay soo dhaweyntooda Madaxweynaha Dalak Xusni Mubaarag Wasiiro iyo Dadweyna aad ufara badan waxaana Koobkii lagu wareejiyay Madaxweyne Mubaarag oo isna markiisa kor u qaaday koobka..
 Ugu dambeytiina waxaa bilado sharafreed lagudoonsiiyay cayaartoydii u soo xarbisay gushaan taariikhiga ah oo u soo hoyatay Dalka iyo Dadka masar … Alamtara Ahmed Rooble
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Muuqaal Online
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|