|
THOMAS BEATIE NINKII UURKA YEESHAY
Daawo Sawiradan
Muuqaal Online
10-Juun 2008
Thomas
Beatie oo ah 34 jir u dhahay dalka Mareykan ayaa
waxa uu markiisii hore ahaa dhidig ama inuu ahaa
markii uu dhalanay gabar hadaba Thomas ayaa
yaraantiisii waxaa lagu magacaabi jiray Tracy waxa
uu bilaabay inuu bedelo Jinsiyaddiisa naageed isagoo
u bedelay Jinsiyadda Ragga ama Lab, qaliin ayaa
looga sameeyay naasaha waxaana laga jaray iyagoo
dhan balse Thomas ayaa dhaqaatiirta u sheegay
inuusan doonaynin in laga bixiyo minka si uu
mustaqbalka u helo caruur.
Thomas qaliinkiisa ka dib waxa uu bilaabay inuu si
toos u isticmaalo wax dhaqanka ragga isagoo la
qabsaday muuqaalkiisana u ekaaday ragga waxaana
kasoo dhashay gar iyo shaarib jirka dhismihiisana
waxa uu isku bedelay nin sidoo dowladda dalka
Mareykan waxaa uu iskaga diiwaan geliyay inuu yahay
Laba ama Nin.
Thomas ayaa bishii April ee sanadkaan waxa uu marti
ku noqday bandhigga showga ee Oprah ee dalka
Mareykanka isagoo halkaasi ku sheegay inuu uur
leeyahay iyadoo halkaasi lagu saaray Scan-ka lagu
ogaado in calooshu ay ku jirto caruur sidaasina
waxaa lagu xaqiijiyay inuu leeyahay uur, marka la
weydiiyay isaga iyo xaaskiisa sida uu uurkaan ku
yimid ayay waxay sheegeen ina soo iibsadeen Manida
ragga ee uurkaan sababtay Nancy oo ah xaaska Thomas
ayaa sheegtay inay u isticmaashay manidaan
saliingada lagu siiyo xayawaanka raashinka si ay u
gaarsiiyo minka manidaan sidaas daraadeedna ay ku
heleen uurkii ay rajaynayeen.
Waan sugi la ahay inaan arko wajiga cunugayga aad
ayaana ugu faraxsanahay ayuu yiri Thomas oo intaasi
raaciyay inuu dhalaayo gabar bishan soo socota ee
Juun mareykan iyo adduunka intiisa kale ayaa looga
yaqaanaa Thomas a Pregnant Man iyadoo dadka
Mareykanka ah ay la yaabeen waxa uu yahay nin iyo
naagba Muuqaalkiisu waa nin jirkiisuna waa naag uur
leh.





Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|