HOME CARTOONS SHEEKOOYIN LA YAABKA DUNIDA MUSIC CONTAC US
 

 

 

 

NIN XAASKIISA KA BADBAADIYAY YAXAAS OO ABAAL MARIN LAGU SIIYAY ARINTAAS

Muuqaal Online

Ururka gurmadka ee dalka Australia ayaa abaal marin siiyay nin u dhashay dalkaasi, kadib markii uu Xaaskiisa ka soo dhigay Yaxaas la tegay.

Steph Landers ayaa dhabarka u xertay sidii uu u badbaadin lahaa Xaaskiisa oo la yiraahdo Windy Patrick da'deeduna tahay 36 sano jir, Steph Landers ayaa la arkay isagoo dhabarka Yaxaaskaasi heysta oo la dagaalamaya, waxaana u suurtagashay in Yaxaaska uu bajiyo labadiisa Indhood ilaa uu ka sii deeyo Windy Patrick oo markaasi uu yaxaaska ka heystay mid ka mid ah lugteeda.

Inkastoo ay dhaawac halis ah qabt Windy Patrick hadana xaaladeeda caafimaad ayaa iminka ka soo reyneyso, Dhakhaatiirta ku howlan daweyta haweeneydan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay mid aad loola.

Yaxaaska dhaawaca u geystay haweeneydaasi isna geeriyooday ayaa dhererkiisu gaaraya ilaa 2.5 meter, waxaana la sheegay in uu ka soo baxay biyaha harada Latish field kuna dhex taalla beerta xayawaanka caanka ah ee koonfurta Darwin ee dalka Australia.

Dadweynihii daawanayey dagaalka dhex maray Mr. Steph iyo Yaxaaska ayaa markii uu ku guuleystay in uu badbaadiyo xaaskiisa ee uu bannaanka u soo saaray waxaa si farxad leh u soo dhoweeyay dadkaasi oo dhiirigelin xoogan u muujiyay dadaalka uu ku soo badbadiyey, taasoo keentay in la guddoonsiiyo abaal marintaas.
 

Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com


                             Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
 

Muuqaal Online © Copyright 2008 Muuqaal.com