|
KABARADA
QAADKA MUQDISHO OO CIDLO GARCAACAYO ISBUUC IYADOO
MUQAYILIINTA AY KAHADLEEN ISBADELKII KU YIMID
NOLOSHOODA QAAD LA'AANTA KU DHACDAY KA DIB.
Muuqaal Online
07 July 2008
Qaadka oo ah maandooriye ay si aad ah u isticmaalaan
Soomaali Badan ayaa waxaa uu keenaa qasaarooyin fara
badan ha ahaadaan Kuwa Caafimaad kuwo Qoys, kuwo
Dhaqaale iyo kuwo anshaxba hase yeeshee dadka
isticmaala ayaa ah kuwa aan ku baraarugin
dhibaatooyinkaas iyadoo lacago lagu qiyaasay Milyan
Dollar ay maalintii ganacsatada Qaadka ku shubaan
Qasnada Beeralayeda Qaadkan ee dalka Kenya Siiba
gobolka uu qaadka aad uga baxo ee loogu magac daray
Miiraa, iyadoo laga yaabaa ninka iibsinayaa qeybta
Qaadka ama Dhudka iyo waliba Marduufkada uu lacagta
uuka baxinaya laga yaabo inay u baahanyahiin
caruurtiisa iyo xaaskiisa iyadoo maalmahii lasoo
dhaafay la kala siisanayay Marduufkii 400 Kun Shilin
Soomaali ah iyadoo intaas ay tahay lacago aad u tiro
badab nolosha Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa
timid ka daroo dibi dhal oo ah inay beeraleyda
Qaadka ee reer Kenya ay damceen inay qiimo koror ku
sameeyaan intii looga iibsan jiray qaadka balse
taasi ma dhacin oo waxaa ka madax adeegay Jaadleeyda
oo sameeyay shaqo joojin ku aadan iibsashada qaadka
waxeyna taasi ka dhigtay magaalada Muqdisho mid
aamusan gabi ahaanba iyadoo goobihii lagu iibin
jiray qaadka ay haawanaayeen oo hadaba Wariye ka
tirsan Shabakaddan Muuqaal Online ayaa soo indha
indheeyay Suuqyada Qaadka goobahii mafrishyada ahaa
ee lagu qayili jiray iyo gabi ahaanba nolosha
muqaliyiinta.
Waxaa la arkayay Maqaayadaha oo isbdel weyn ku yimid
iyadoo laga waysnaaa kursi lagu cunteeyo kadib
markii ay buuxdhaafiyeen dad iyagu aan lagu arki
jirin xiligii uu Qaadku imaan jiray waxaana mid ka
mid ah raggii cunteeynayay uu usheegay shabakada
Muuqaal inuu asagu mudo ku dhaw 10 sanadood uusan
cunin saxan baasto ah maantase uu cunay saxan baasto
ah halka uu shalayna ku qadeeyay ilaa 7 muufo iyadoo
intas u dheertahay inuu caruurtiisa u geeyay
inkabadan 300 kun oo maalinkasta iibsan jiray Qaadka,
iyadoo waxaana gabi ahaan ka muuqata magaalada
saameynta uuku yeeshay Qaadka oo dadka qaar ay ku
tilmaameen Cadawga Nolosha.
Cabdi Jaamac oo isagana ka mid ah ragga aad u
isticmaalo qaadka ayaa sheegay in Caruurtiisa uusan
arkin muddo ku dhaw 4 sano maadaama subaxdii uu kaco
xilli ay ku maqanyahiin dugsiga isagoo soo laabto
habeen barkii xili ay hurdaan iyadoo buu yiri maalin
maalmaha ka mid ah mid ka mid ah ilmaheyga uu
hooyadiis ku yiri Hooyo Ninkan Ilkaha hore ka maqan
ma Aabaheybaa taasi oo igalisay Rajo xumo aan ka
qaaday qaadka ayuu yiri asagoo intaas raaciyay inuu
rajeynaayo inay tani u noqoto fursadiii uu ku goyn
lahaa qaadka Balse aad ayay iigu adagtahay ayuu yiri
Abdi Jaamac oo ah Aabbe leh 5 Caruur ah iyo Xaas.
Sidoo kale Jeylaani Siidow oo u waramayay Muuqaal
Online ayaa waxa uu aad ugu celiceliyay inay
dhibaatada ugu weyn ay tahay habeenadaan riyo qarow
sababay qaad la'aanta soo gaartay taasi ku sheegay
inay tahay Dubaab wuxuuna intaasi raaciyay habeenada
qaar inuu ku riyoodo isagoo qaarka danbe ee jirkiisa
uu ka jiirayo ama uu dardarayo baabuurka xamuulka
qaado ee loo yaqaano N3.
Waxaa intaas dheer in Lagu arkayay dadka
Misaajidyada iyadoo safafka salaadda ay buuxeen
halka goortii hore ay ahaayeen kuwa laga dareemi
jiray firaaqada qaasatan salaadaha Casirka Maqribka
iyo Ceshaha, balse haataan lagu arkaayo rag la moodo
inay dalka ka maqnaayeen kuwaasoo ah kuwo busaaradda
qaadka ay kasoo saartay guryahooda iyadoo mar marka
qaarna jirta xanaaq uu u dheeryahay markaad raggaas
la hadashid iyadoo dhibsanaya Sheekooyinka qaar.
balse qaar ayaa aad ugu faraxsana in la xayiro
qaadka oo walib ay tahay sida ugu fudud ay isaga
joojin karaan.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|