|
NIN SOOMAALIYEED XAASKIISA
KABTEEDA KULA GARAACDAY WADDO KU TAALO MAGAALADA
QAAHIRA.
Muuqaal Online
Ninkaan Soomaaliyeed oo asagu ka yimid dalka
Mareykanka kuna noolaa muddo ayaa waxuu Xaaskiisii
oo u laheyd 6 Caruur ah u sheegay inuu u ambabaxayo
Magaaalada Qaahira halkaasoo uu u tagayo inuu soo
booqdo qaar ka mid asxaabtiisa balse ujeedadiisu ay
aheyd inuu si hoose u qudbo sireesto Gabar yar oo ka
mid ah Gabdhaha iyagu jooga Magaalada Qaahira
waxuuna ku guursaday Xaafad ay Soomaalida aad ugu
yartahay oo aad ugu dhaw Wabiga Nile-ka laguna
magacaabo Zamalek halkaasi ayuuna kula galay
Xaaskiisa labaad bishii Malabka isagoo ku shaahi
jiray Cafateria ku dhaw halka uu daganyahay.
Xaaskiisa hore ayaa waxey ogaatay warar hoose oo ku
saabsanaa in seygeeda uu guursaday akhbaartaas oo
dab ku shidday waxeyna go'aansatay inay soo aaddo
Magaalada Qaahira si ay u baadi goobto odaygeeda
balse markii ay soo gaartay maysan helin war asagoo
aanan markii horeba siinin taleefan iyo meel lagala
xeriiro laakin isaga kaliya waci jiray balse waxey
goaan ku gaartay inay iskajoogto intii ay uun il
kasaari doonto ninkeeda oo ay aamintay in laga
dhaxlay oo gabar ka da'yar ay ku haysato guri isagoo
aadna ula dhacsan nolosha cusub oo uu abuuray
Balanqaadyo badan ayay sidoo kale u sameysay qofkii
usoo sheega goobta uuku suganyahay iyadoo dhalin
badana ay is weydiiyeen ninkaas sida uu egyahay iyo
meesha laga helaayo si ay usheegaan una helaan abaal
marinta ay balanqaadday Xaaskaan sida xad dhaafka u
maseertay balse mid ka mid ahaa dhalinyaradii ay
gabadha cusub ee ninka uula qalagalay ay isku
dhawaayeen ayaa go'aansaday inuu sheego asagoo aad
ugu baahnaa abaal marintaan oo ay naagtu ku sheegtay
inay gaareysay 1000 $ kun Dollarka Mareykanka ah
balse keentay inuu ka horgeeyo wadaadkii oo wata
aroosadiisii cusbeyd gacantana ka haysta iyadoo
farax iyo qosol isla wataan ay indhaha saartay mar
qura taasoo keentay in naagtiisii wayneed ay isla
markiiba intay Qaracantay iskuna dartay basiinkii
iyo oolyadii isla goobtiina ku siibatay kabteedii
kuna garaacday mar qura si arxan darro ah iyadoo ku
qeylisay erayo ay ka mid ahaayeen "Yaa ku yiri
Guurso naag kale Alla anigaa ba'ay, maxaa sidaan
noogu gashay, Naayaahe ninkeyga maxaa kugu diray War
anigaa hoogay anigana ilmahuu iiga tagay asagana
halkaan ayuu ku guursaday war Yaa Soomaali Maxamed
aheey. iyo erayo kale oo badan waxaana mar qura
argagaxday sidoo kale xaaskii cusbeyd oo iyadana
orod cagaha wax ka dayday codsatayna in laga qariyo
haweeneydan waalan hadii kale ay waayi karto
nafteeda.
Dood iyo dheer kadib ayay gaartay arrintaan dad ay
ahelo yahiin naagta taasoo keentay in lagu soo
dhameeyay arinta in ninkaan uu iska furo Xaaskan yar
iskaagana laabto Marwadiisa Caruurta u hayso taasoo
Maseer dartiis qaarad kale uga timid.
Muuqaal.com
muuqaal@yahoo.com
webmaster@muuqaal.com
Xuquuqdu waxay u dhawrsan tahay Muuqaal Team
|